“Burburka Shirka Turkigu Waa Guul U Soo Hoyatay Somaliland” Mujaahid Cali Guray

0
30

Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha saddexaad ee xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID mujaahid Cali Yuusuf (Cali Guray) ayaa ku tilmaamay bur-burka wada hadalada somaliland iyo somalia inay tahay guul u soo hoyatay bulshada reer Somaliland oo uu ku suureeyay inay yihiin cidda keliya ee ay ka go’odo talada qadiyadooda ama masiirkooda,mujaahid Cali Guray ayaa sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga,waxaana uu u dhignaa sidan:

cali guray 2Marka aan dibu u eego Wada Hadalka Somaliland iyo Somalia halka ay salaadu ka xidhmi la’ayd ilaa hadana ay ka xidhmi la’dahay waxad moodaysaa in aan si fiican loo fahmin. Madaxwaynaha Somaliland, ka hadda jooga iyo kuwii ka horeeyay, iyo weliba masuul kasta oo Somaliland ihiba marka uu ka hdlayo talada arinka gooni isu taaga Somaliland waxa caado u ahayd inu yidhaa” TALADA SOMALILAND WAXAY KA GO’DAA SHACBIGA SOMALILAND OO KELIYA” waana hadal run ah oo sax ah.

Lakiin marka ay tahay wada hadalka Somaliland iyo Somalia sua’aasha furaha u noqon karaysay wada hadal macno yeelan kara, gaar ahaan marka laga hadlayo arimaha masiiriga ah, waxay ahayd in marka horeba ergada Somaliland ogaato mawqifka dhinaca kale ee xaqa aayo ka tashiga Soomaalida, iyaga oo si toos ah u waydiinaya ergada dhinaca kale sua’aal kooban jawaabtuna HAA AMA MAYA uun ku dhamaan karto. Sua’aashu waxay ahayd keliya in ay waydiiyaan:

Horta Inta Aynaan Wax Kale Gelin Ma Ogoshihiin Xaqqa Ay Soomaalida Somaliland U Leeyihiin In Iyagu Ay Aayahooda Ka Tashan Karaan Oo Hadii Ay Doonan Dib Ula Midoobi Karaan Somalia Hadii Kalena Ay Goonidooda Isu Taagi Karaan?, Haa Mise Maya?

Hadaba burburka kulnkan Turkiga ee maanta iyo sababta keentay burburka ee la isku mari waayay ayaa dhinaca Somaliland loo arki karaa guul waayo waxay si cad u iftiimisay mawqifka ergada Somalia iyo in jawaabta sua’aasha kor ku xusani ay tahay MAYA. Taas oo macnaheedu yahaY, “XAQ UMA LAHA SOOMAALIDA SOMALILAND INAY IYAGU KA TASHAN KARAAN AAYAHOODA EE CID KALE AYAA AYAA XAQ U LEH INAY KA TALISO”‘ taas oo kuligeedba ah been, gef, xaq duudsi iyo xumaan keliya oo lagula kacay Shacbiga Somaliland oo dhan.

Sidaa daraadeed waan hambalyaynayaa ergada Somaliland mawqifka ay qaateena waxan u arkaa mid sax ah oo ay ku matali karaan dadka Somaliland oo dhan ama ha noqdaan kuwa taageersan goni isu taaga ama ha noqdaan kuwa ka soo horjeeda eh. Waayo xuquuq ahaan muwaadiniinta Somaliland oo dhami way siman yihiin aragtida siyaasiga ahna way ku kala duwanaan karaan. Waxa is waydiin leh shakhsiyaadka ka soo jeeday Somaliland ee ergada Somalia la socday waa ayo cidda ay meteleyeen? Dhinaca aragtida Somaliland Soomaalida Soomaaliya may metali karayn waayo waanay ka mid ahayn, Soomaalida Somalilandna may meteli karayn waayo may igman. Markaa hadii xaal koodu noqday LAA MIN HAA ULAAI WALAA MIN HAA ULAAI, ergada Somaliland sax bay ku ahayd inay diidaan soo hor fadhiisi gooda iyagoo aanay jirin cid ay metalayeen.

Ugu dambaystii, hadii la doonayo in ay wada hadaladu dib u furmaan waa in marka hore labada dhinaca midna kan kale xuquuqdiisa dafirsanayn. Hadii taa labada dhincba laga helo dabcan waa laga wada hadli karaan arinka masiiriga ah oo noqonaya ” AAN DAWLAD QUDHA NOQONO IYO MAYA WAXA KA FIICAN IN AYNU LABA DAWLADOOD OO WALAALO AH OO JAAR AH NOQONO”. Hadii la is qancin kari waayo dabcan markaa ka fursan mayso in talada loo celiyo dadka Somaliland go’aan koodana loo wada hogaansamo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here