Berbera(Hubaal)-Bulshada reer Berbera, ayaa sheegay in xidhnaanshaha Madaarka Caalamiga ah ee Berbera Airport saamayn dhaqaale oo taban ku yeeshay Bulshada reer Bebrera, siiba ganacsiyada kala duwan sida Hotellada, gaadiidka iyo qaybaha kala duwan ee ganacsiga.
Madaarka Berbera oo muddo 2 sanno ka badan u xidhnaa dayactir lagu samaynayay ayaa Madaxweyne Siilaanyo, xadhiga ka jaray 23-kii February ee sannadkan kadib markii lagu sameeyay dayactir balaadhan oo Marinta diyaaradduhu ka haadaan iyo Teerminalka lagu sameeyay. Waxaa dib loogu dhisay lacag 5 Milyan oo dollar ah oo dawladda Kuwait bixisay.
Dadweyne kala duwan oo qaybaha bulshada Saaxil ah, islamarkaana iskugu jira ganacsato, gaadiidlay, cuqaal iyo xildhibaano baarlamaan oo aragtidooda ka dhiibtay xidhnaanshaha Madaarka ayaa walaac ka muujiyay saamaynta Madaarku ku yeeshay ganacsiga gobolka.
Aragtiyaha Bulshada
“Anigoo ah Cabdiraxmaan Axmed Yaxye, ahna Mulkiilaha Hotel Yaxye, waxaan halkan ka sheegayaa dhibaatada naga soo gaadhay madaarka la xidhay ee Berbera, iyo Saamaynta uu ku yeeshay Hotelkayga, hotellada kale iyo dhamaan magaalada.dhamaan reer Berbera waxay ka dheregsan yihiin dhibaatada uu noo keenay. Markii uu Madaarka Berbera furnaa Hotellada Berbera way wada buuxi jireen, Magaaladu way is-wada camirtay, dhamaan Meheraduhu way furnaayeen, kuwii dumay way dhismeen, maanta sidaan u arkay Dawladdu way xidhay Madaarka Berbera, Madaar xidh maahee waa Magaalo xidh sidani. Markii uu Madaarku furnaa 30-ka Makhsin ee Hotel-ku ka kooban yahay way shaqayn jireen oo way buuxi jireen, maantase hal makhsin ma buuxo. Dhibaatadaas waxaan u aanaynayaa xidhnaanshaha Madaarka, waxaanan Xukumadda ka codsanayaa inay Diyaaraddaha ku soo celiyaan Berbera, xataa todobaadkii maalin ama laba”.
“Anigu waxaan ahay, Gudoomiyihii Gaadiidka Madaarka Berbera, waxaan ka hadlayaa arrimaha Garoonka iyo saamaynta weyn ee uu ku sameeyay Berbera, waxaan idiin sheegayaa in muddo madaarku xidhnaa meeshiiba Saxare noqotay oo dabayl xagaadii iyo dhaskii qabsadeen oo meeshiiba Caaro qabsatay”.
“Xukumadda gaar ahaana, wasiirka duulista hawada waxaanu u sheegaynaa inuu nacayb uu u qabo Gobolka Saaxil u xidhay Madaarka Berbera….Madaarka Berbera oo kharash aad u badani uu galay, Madaxweynuhuna uu furay, sidii Madaxweynuhu u furay wax diyaarad ahi soomay fadhiisan, sababta ay u soo fadhiisan laayihiin waxaanu ka doonaynaa Wasiirka duulista hawada bal inuu ka waramayo, sababtoo ah Madaarka Berbera wuxuu ka mid yahay Garoomada ugu waaweyn Africa, waa Airport samacaddiisu sarayso aduunyadana laga yaqaano. Haddaba waxaa loo baahan yahay inuu noqdo mid shaqeeya si Magaalo xeebeeda Berbera u noqoto mid shaqaynaysa”.
“Anigoo Magacaygu yahay Caaqil Cali Cismaan Samatar, kana tirsan Cuqaasha Saaxil,waxaan halkan ka cambaaraynayaa Madaarka Berbera ee xidhan muddada laba sanno iyo badhka ah, oo uu iska xidhay Ninkii Duulista iyo hawadu, Airport-kii wuxuu noqdo Meherad uu leeyahay oo markuu doonana xidho markuu doonana furto”.
“Iyadoo la furay Teerminalkii Berbera ee Cusbaa, oo ilaa hadda aan laga faa’iidaysan, waxaan odhan karaa waa wax aad iyo aad looga xumaado waana tacab khasaaroobay Teerminalka quruxdaas leh ee aan haddana ilaa hadda diyaaraddihii soo fadhiisan.waxaan ugu baaqayaa Wasiirka Duulista inuu talaabo cad ka qaado, sidii loo isticmaali lahaa Madaarka ee Maalgalinta intaa leeg ee lagu sameeyay madaarka looga faa’iidaysan lahaa”.