“Wiilkan La Xididka Ah Madaxtooyada Isagana Waa La Xajiimaynayaa”boqor Bad-madaw
Hargeysa(Hubaal)-Boqor Axmed Maxamed Xasan (Boqor bad-madaw), ayaa wasiirka maaliyada Samsam Cabdi Aadan sheegay in aanay qaadan marshuuca mishiinka lagu eegaayo tayada shidaalka.
Waxaanu ka difaacay eedayn dhawaan loo soo jeediyay oo sheegaysay in marshuuc ay wada qaateen wasiir Samsam iyo wiilka madaxweynu uu sodoga u yahay ee Baashe, warkaas ayaanu ku tilmaamay boqorku mid aan sal iyo raad toona lahayn ee xajiimayn uun ah, waxaanu sheegay in marshuuca mishiinkaas uu qaatay nin guddoomiye Ciro ay isku ahayb yihiin,
waxaana isaga oo arimahan ka hadlaaya boqor badmadaw uu yidhi “Wasiirka maaliyadu waxyaabo aflagaado ah oo aan gayin ayaa loo gaystay,mana aha wasiirkani mid habti aadame u baahan ee aakhrideeda ayay u tudhanaysaa, markay ahayd wasiirka waxbarashadana waa aynu garanaynaa waxqabadkeedii daacada ahaa oo waa mid looga markhaati kacaayo, maanta markaas in aynu nidhaahno shidaalo ayay marshuuc ahaan u qaadatay iyada iyo inanka uu madaxweynu sodaga u yahay oo aan wax xil ah ka ahayn dalka hadana aflagaadadu ay ku socoto, hadalkaasi waa canbaarayn iyo xajiimayn dadka la marmarinaayo, waxa qaatay shidaalkan oo ku guulaystay markii lagu tartamay nin guddoomiye Cirro la hayb ah, ninka qoraalkan qoray ee qoladan kale xajiimaynayaana waa la hayb ninkan marshuuca helay, markaas haddii uu haybtiisii kala xishooday inuu xajiimeeyo anaguna u dulqaadan mayno, shidaalkaas iyo arimahiisanuna waa kuwo cad oo waxa qaatay nin Kornayl Faarax la yidhaahdo, wiilkan la xididka ah madaxtooyada runtii isagana waa la xajiimaynayaa ee wax uu qaatayna ma jirto, waana nin wanaagsan.” Ayuu yidhi boqor Bad-madaw