Booliska Oo Qaadaya Hawl-galadii Ugu Cuslaa + Amarro Cusub Oo Lagu Soo Rogay Dhalinyarada Rabshadaha samaysa Iyo Tirada Dad La Qab-qabtay

0
36

Hargeysa (Dhamays/Hubaal) Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan  ayaa sheegay inay ciidanka Booliska Gobolka SOOL gacanta ku soo dhigeen laba qof oo loo tuhunsan yahay inay habeen hore dil iyo dhaawac u geysteen laba qof, isla markaana waxa uu soo saaray amarro cusub oo la xidhiidha xadhiga dhallinyarada caadeystay inay koox kooxda isku dilaan Caasimadda Hargeysa oo soo noqnoqday.

Taliye Fadal oo waxa uu daboolka ka qaaday inay Ciidamada Booliska ee Caasimada Hargeysa ay bilaabeen hawlgalo culus oo lagu sugayo nabadgelyada Caasimada Hargeysa, kaasi oo loogu Magac daray “Hawlgalkii GUUSHA”, isagoo xusay inaanay joogsanayn habeen iyo maalinba, subax iyo saq-dhexeba, balse ay xili kasta soconayan.

Sidoo kale, Taliye Cabdilaahi Fadal waxa uu ku amray saraakiisha xukuma rugaha Booliska inay Telefoonnadoodu furnaadaan oo ay u dhaga nuglaadaan qofkasta oo reer Somaliland ah.

fadalTaliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa yidhi “Waxaan idiin xaqiijinayaa inay nabadgelyada Somaliland iyo ta Caasimadu-ba inay wanaagsan tahay, dhacdooyin way  dhacaan, laakiin nabadgelyada guud waxaynu ku jirnaa Al-xamdulilaahi Rabil Caalamiin oo waxaynu uga mahad-celinaynaa ILAAHAY iyo bulshada reer Somaliland oo gacan weyn na siisa”

Waxa kale oo uu ka hadlay “Waxaan halkan uga caddeynayaa bulshada reer Somaliland waxa had iyo goor la sheegaa kooxo dhallinyaro ah oo isku dilaya koox-koox, kuwaas oo bulshada u geysta dhibaatooyin naf iyo maalba ah. Waxaan idiin sheegayaa in 24-kii sacadood ee u danbeeyey in Ciidanka booliska ee Caasimaddu ay gacanta ku dhigeen 64-dhalinyaro ah, 25-ka mid ahna waxa lagu xukumay 5-bilood oo xadhiga (Shan bilood oo Xadhiga), annaga oo uga mahad-celinaynaa Xero-ilaalinta iyo Maxkamadda sidii degdega ahayd ee ay xukunkaasi u fuliyeen”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Dhalinyarada fidmo wadayaasha ah ee kooxaha u dagaalama waa dhaqan aad u xun, oo bulshada ku xun, oo sharciga ku xun oo Diinta ku xun la yimid.  Waxaan halkan ka caddeynayaa inaanay jiri doonin inan danbe oo xadhig loo iibinayo ama la ganaaxayo oo qofku marka uu xumaanta geysto xabsiga ayuu ku qaadan doonaa, waxa kale oo aan halkan ka caddeynayaa oo la mida Tuugta waaweyn oo qaarkood ku jiraan kuwaa la xukumay, iyo mukhaadaraadka iyo wax kasta oo nabadgelyada khatar ku ah  inay ciidanka boolisku ay u yihiin dal jirayaal, naftooda u hurey habeen iyo maalinba u soo jeeda oo heegan u ah ammaana waan u soo jeedinayaa Ciidanka booliska ee Caasimada iyo guud ahaan Ciidanka Booliska Jamhuurida Somaliland oo heegan u ah ilaalinta nafta iyo maalka”.

Taliye Fadal uu sheegay inay ciidanka Booliska ee Gobolka Sool ay gacanta ku soo dhigeen laba nin oo loo tuhunsan yahay inay geysteen dil iyo dhaawacba,waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan halkan ka caddeynayaa dhacdo way dhacdaa, waxa taala maxaa laga qabtay? Waxa la yidhi ‘Mayd maxaa u danbeeyey, kaa la sii sido, Xalay (habeen hore) oo kale Gobollada dalka mid ka mida (Gobolka SOOL) laba qof ayaa midna lagu dilay midna lagu dhaawacay, laakiin abaaro saacadu markay ahayd 3:00 Habeenimo ee xalay (habeen hore) ayaa Ciidanka boolisku labadii nin ee falkaasi geystay ay gacanta ku soo dhigeen.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Todobaadkii la soo dhaafay falalkii ka dhacay Caasimada Hargeysa, haday yihiin dhalinyarada iyo haday yihiin kuwii toorida lagu dilay loo hayo saddex nin, kii afraad ee maqnaana si fiican loo aqoonsaday oo sida ugu dhakhsaha baddan gacan loogu soo dhigi doono”

“Waxaan halkan uga digayaa kooxaha yaryar Kubadda sida khaldan u adeegsada, ee fidno-wadayaasha ah ee danbi-quutayaasha ah, maaha Kooxaha Ciyaartoyga ah ee kuwa kooxaha u dagaalamayaa, waa kuwa ay bulshadu aragtay ee xaafadaha isku dhex leynayaa, waa kuwa hablaha boobaya dhamaanba kuwaasi oo xalay la qabtay kuwii ugu horeeyey oo aan uga mahad-celinayo fadhiyadii ka hawlgalay.”.Ayuu yidhi Cabdilaahi Fadal Iimaan

Mar uu Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo la hadlayay guud ahaan shacabka reer Somaliland waxa uu yidhi “Waxaan dadweynaha reer Somaliland u sheegayaa inay ciidanka booliska ay gacan buuxda ka siiyaan sidii ay horeba uga siinayeen….Waxaan ku amrayaa Saraakiisha xukuma fadhiyada Booliska inay Tilifoonadoodu furnaadaan oo ay u dhaga-nuglaadaan qofkasta oo reer Somaliland ah, waayo waxa uu boolisku u jooga oo uu u darban yahay, hawl ku soo dhacda, shaqada booliskuna malaha wakhti, malaha minid, malaha Saacad, waxa miridhkasta soo dhacaya dhacdo, waxaana dhacdaadaasi ka masuul ah Ciidanka booliska, waxa si gaar ah uga sii masuul ah taliyayaasha fadhiyada iyo sarkaalka markaa heeganka kaga jira saldhiga. Ninka booliska ah warkasta oo loo sheego waa inuu u qaataa war jira oo xaqiiqo ah oo uu ka hawlgalaa oo uu u dhaga nuglaadaa qofka muwaadinka ah,sidaad horeba ugu dhaga-nuglaydeen waa iga baraarujin.”

Taliye Fadal  waxa uu ka codsaday taliyayaasha saldhigyada Somaliland inay dadka ka sameystaan Xaafadaha ay xukumaan, waxaanu yidhi “Waxaan u sheegayaa taliyayaasha Saldhigyada sida uu sameeyey taliyaha Saldhiga Daloodho in bulshada xaafada laga sameysto dad sida aqoonyahanka, dhalinyarada Caafimaadka qabta, madax-dhaqameedka iyo guddiyada nabadgelyada xaafadaha in lala xidhiidho si ay hawshu u fududaato, waayo Soomaalidu waxay tidhaahda  ‘Falkaliyi fool ma dhaqdo”, cidda la doonayaa inay bulshada soo dhaweystaan waa ciidanka booliska oo ay hawshooda wada qabsadaan, waanay ka fududaanaysa hawshu marka taliyaha saldhigu la xidhiidho dadweynaha xaafadda uu ku nool yahay, waa arrin muhiima oo aan idinku boorinayo, oo aan idin farayo oo aan idinku amrayo,”

Taliye Cabdilaahi waxa uu ku dhawaaqay inay Ciidanka Booliska Somaliland ay bilaabeen hawlgalo cul culus, waxaanu yidhi“Hawlgalkan aanu galayno imika waxaan u bixiyay hawlgalkii “GUUSHA” mana joogsanayo oo habeen iyo maalinba ma kala laha, Subax malaha, Saq-dhexe malaha uu soconayaa. Waxaanan halkan digniin adag ka siinayaa Waalidiinta dhalay dhalinyaradaa haddii inankaa dhalinyarada ah ee Ciidanka boolisku yaqaano, ee ay bulshadu taqaano ee caadeysta ah haddii isaga la waayo meelkasta ha qabtee, waalidkiiba u xidhan oo u qoolan, waayo waalidku ma joogayo haddii ay wax ku dhacaan oo wax loo geysto… Meelaha Giimamka lagu ciyaaro ee loo aqoonsado inay nabadgelyada khatar ku yihiin waa la xidhayaa, Diiniyan ma wanaagsana, oo Caruurta ayuu akhlaaqda ka xumeynayaa, oo sharcigii ayay khilaafayaan, cidkasta oo lagu arko wax ka baxsan sharciga dawliga iyo Diinta Islaamka-ba ciidanka boolisku gacan bira ayay ku qabanayaan, waanan uga digayaa qolyaha Tiifiyada gaar ahaan meelaha Giimamka lagu ciyaaro.”

HALKAN KA DAAWO TALIYAHA CIIDANKA BOLIISKA SOMALILAND OO KA WARBIXINAYA HAWLGALADII U DAMBEEYAY EE BOLIISKU QAADAY

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here