Booliska Hargeysa Oo Xabsiga U Taxaabay Boqolaal Qof Oo Xaflad Ka Qayb-Galayey Saaka

0
81

Waxay ka qayb-galeen Xaflada Sanad-guuro ah oo ay dhigteen Koox Ciyaartoo ah …

Hargeysa(Hubaal)-Booliska Caasimada Hargeysa oo kaashanaya kuwa ka hortaga Rabshadaha iyo la dagaalanka Argagixisada, ayaa xabsiga u taxaabay goor dhaweyd boqolaal dhalinyaro ah oo ka qayb-galay xaflad sanad-guuro ah oo ay Hudheelka Imperial, ku qabsatay mid ka mid ah kooxaha kubadda ee ka dhisan Gobolka Maroodi-jeex, taasoo la yidhaahdo FC Duufaan.

booliskaDhalinyarada la xidh-xidhay ayaa ah Ciyaartoogii sanad-guurada u dabaal-degaysay iyo dhalinyaro sida muuqata Taageerayaashooda ah oo Xaflada kala soo qayb-galay, waxaana sidoo kale Boolisku xidheen Waalid iyo dad kale oo ka mid ahaa Marti-sharaf Xaflada kala soo qayb-gashay oo ay ku jiraan Hooyooyin iyo waayeel kale.

Dhalinyarada la xidh-xidhay, ayaa ka soo jeeda Degmada Gacan-libaax Xaafada Geer Aw-aadan, sida ay GNA u sheegeen xubno ka mid ah ka qayb-galeyaashii Xafladu “iyadoo loo diyaar garoobayo Xafladii oo dadkii yimaadeen ayuunbaa mar qudha Ciidan meeshii qabsaday sidii ay Argixisadii aduunku soo gashay”sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dadweynihii Munaasibada ku sugnaa.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska oo la xidhiidha dhacdadan lagu fuliyey howl-galka lagu qab-qabtay Dhalinyarada xafladaysanaysay iyo waalidiintooda, hase ahaatee warar ka soo xigtay Saraakiisha Booliska ayaa tilmaamaya in Kooxdan lagu qalday dhalinyaro la raadinayay oo la baxay Duufaan, kuwaasoo ka mid ah Kooxaha habeenkii dadka ku baadha Magaalada ee caadeystay rabshadaha.

Geesta kale, Masuuliyiin  ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, oo ka qayb-gelayay Xaflada sanad-guurada ah ee Kooxda la taxaabay dhiganayeen, ayaa sheegay inaanay ilaa hada garanayn sababta loo xidh-xidhay Dhalinyarada aan wax dambi ah faraha kula jirin.

Masuuliyiinta ayaa intaas ku daray inay Saraakiisha taliska Booliska kala hadleen sidii xoriyadooda loogu soo celin lahaa dhalinyarada iyo dadka kale ee la xidhan, sida ay GNA u sheegtay Marwo Faadumo Siciid oo ka tirsan Xisbiga WADDANI.

Faadumo Siciid ayaa sidoo kale cambaareysay gabood-fallada noocan ah ee lagula kacayo Dhalinyarada, waxaanay ku tilmaantay “waxaan u aragnaa talaabo dhalinyarada lagaga hor-istaagayo inay Kubbada Ciyaaraan oo ay xaflado dhigtaan oo ay kaga medadaashaan shaqo la’aanta iyo Tahriibka. Waxaan u aragnaa in la doonayo in cabsi darteed dhalinyarada looga joojiyo inay Kubbada Ciyaaraan, taasina waxay abuuraysaa kacdoon Qaran iyo fowdo” ayay sii raacisay.

Booliska Caasimada Hargeysa ayaa howl-gal ay ku qaadeen garoon kubbada lagu ciyaaro khamiistii la soo dhaafay, waxay toogasho ku dileen Wiil dhalinyaro ah, mid kalena u geystay Dhaawac, kaddib markii iska hor-imaad dhex maray Ciidanka iyo Dhalinyaro Kubbad dheelaysay oo shiid kala hor-yimi howl-galka lagu qaaday, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Boolisku.

xigasho:gobanimonews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here