Booliska Hargeysa Oo Xabsiga Dhigay Tababare Muqdisho Ka Yimid Iyo Laba Masuul Oo Ka Tirsan Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland

0
24

Hargeysa (Hubaal) Tababare ka yimid magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Maxamed Faarax Cajab, iyo laba masuul oo ka tirsan xidhiidhka kubadda cagta ee Somaliland ayaa la xidhay kadib markii lagu eedeeyey inay Hargeysa ka abaabulayeen ciyaartooyo ay doonayeen in ay u qaadaan magaalada Muqdisho.

xoghayaha xidhiidhka ciyaaraha

Sida wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Md. Axmed Cadi Kaahin u sheegay idaacadda BBC-da masuuliyiintan ka tirsan xidhiidhka ciyaaraha fudud oo uu weheliyo macalinka ka yimid magaaladda Muqdisho, ayaa maalmihii ugu dambeeyay tababar ku siinayay magaaladda Hargeysa ciyaartoyo orod yahano ah kuwaas oo qorshuhu ahaa inay ka qeyb-galaan tartan heer gobol ah oo ka qabsoomaya magaaladda Muqdisho.

Xoggaha aanu helnay ayaa intaas ku sii daraya in ciyaartoydan oo kuwaad 5 ah ay meteli rabeen gobollada Maroodi-jeex, Gabiley, Awdal iyo Togdheer, waxaana taas ka warhelay subaxnimadii Sabtidii masuuliyiinta sarre ee wasaaradda ciyaaraha, waxaana loogu yeedhay xarunta wasaaradda gaar ahaan xafiiska wasiirka, halkaasna waxaa arrinta wax ka weydiiyay Wasiirka, Agaasimaha guud, Agaasimaha waaxda iyo weliba masuuliyiinta kale ee xidhiidhka ciyaaraha fudud, waxaana ku wareejiyeen xarunta dambi-baadhista ee CID.

Wasiirku waxa uu sheegay in saddexdan qof la xidhay markii la ogaaday in ay Hargeysa ka bilaabeen abaabulka ciyaartooyo ay doonayeen in ay u qaadaan magaalada Muqdisho si ay uga qayb galaan tartan gobollada Somaliya ah oo halkaas ka bilaabmaya.

tababarahaXoggaha aanu helnay ayaa intaas ku sii daraya in ciyaartoydan oo kuwaad 5 ah ay meteli rabeen gobollada Maroodi-jeex, Gabiley, Awdal iyo Togdheer, waxaana taas ka warhelay subaxnimadii Sabtidii masuuliyiinta sarre ee wasaaradda ciyaaraha, waxaana loogu yeedhay xarunta wasaaradda gaar ahaan xafiiska wasiirka, halkaasna waxaa arrinta wax ka weydiiyay Wasiirka, Agaasimaha guud, Agaasimaha waaxda iyo weliba masuuliyiinta kale ee xidhiidhka ciyaaraha fudud, waxaana ku wareejiyeen xarunta dambi-baadhista ee CID.

source:shabakada wararka ciyaaraha Cadalool

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here