Boliiska Faransiiska Oo Shaaciyay Dhimashada Saddex Nin Oo Ay Ku Jiraan Labadii Walaalaha aha Ee Lagu Tuhunsanaa Weerarkii Paris

0
42

Paris (Dhamays/Hubaal) – Ciidamada ammaanka ee Magaalada Paris ayaa 48 saacadood ka dib si dirqi ah ku dilay laba nin oo walaalo ah, kuwaasi oo weerar si xirfadeysan loo qorsheeyay ugu khaarajiyey Wariyayaashii Wargeyska Charlie Hebdo oo ka soo baxa Magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska.

Sherif Kouachi iyo Saed Kouachi ayaa boolisku ka helay tuulo 40KM dhanka galbeed ka xigta Magaalada Paris, waxayna halkaasi boolisku ku wareegsanayeen muddo toban saacadood ka badan, ka dib markii la ogaaday in dagaalyahannada oo baxsad ahaa dad badan afduub ahaan ugu haysteen bakhaar ay leedahay shirkad lagu Magacabo (kosher grocery).

halyeeyoDilka labadan nine ee walaalaha ah ee loo aaneynayo weerarka Charlie Hebdo ayaa waxa kale oo ku jiray nin saddexaad oo isagu toogasho ku dilay naag askariyad ah halka gabadh ninkan ku labaynaysay dilka askariyada la laayahay oo baadigoobkeeda ay wali boolisku ku daba jiraan

Qaraxyo waaweyn oo laga maqlay goobta ay dadka ku haysteen dagaalyahannadaasi ka dib, ayaa Maayarka Magaalada Paris uu saxaafadda u sheegay in la dilay Shariif Kooji iyo Siciid Kooji oo haystay dhalashada Faransiiska, laakiin asal ahaan ka soo jeeda dalka Aljeeriya.

Weerarka lagu laayey labadan ragga ah ayaa waxa sidoo kale ku dhintay afar ka mid ahaa dadkii ay ku haysteen bakhaarka ay ku dhuumanayeen, waxaana ku dhaawacmay qaar ka mid ah ciidamada booliska ee hawlgalkaasi ka qayb-qaatay. Booliska ayaa sidoo kale weerar la beegsaday goob laga dukaamaysto oo u dhow deegaanka Porte de Vincennes, waxayna goobtaas ku dileen mid ka mida dablay kale oo hubaysnayd  oo afduub ku hasytay illaa shan qof.

Hawl-galka lagu dilay raggan oo ay ka qayb-qaateen In ka badan 88,000 askari ayaan ilaa xalay aan dawladda Faransiisku soo bandhigin habka loo dilay raggaasi iyo maydadkooda, marka laga reebo muuqaallo guud oo warbaahinta reer galbeedku soo gudbiyeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here