BOGGA SABTIILE-KALKAAL EE BOOBE: Milicsiga Meydhaanka Miyuusigga Wararka (Xukuumad aan Xakame iyo Xeerba qaban)

0
57

BOGGA SABTIILE-KALKAAL EE BOOBE: Milicsiga Meydhaanka Miyuusigga Wararka (Xukuumad aan Xakame iyo Xeerba qaban)

bogga sabtiile“Feedhaha xidhiidhsamay lafahan, xuubku ka idlaaday,

 Jidhkaygii xariirta u ekaa, xaaluf quruxdiiye,

 Hadduun baan xaraarugay sidii, xamil-gab awryaale,

 Xafta waxaydin ii laba-listaan, xooxda lay maalye,

 Cidluun baan xayuugnahay sidii, xuunshadii Gubane,

 Waxba yaanu xeerkay I marin, xoolana I siinne,

 Alleylehe nin libin kaa xistiyay, xumihii waa yaabe,”

 boggaMaansada, Abaal-laawe, Salaan Maxamed Xirsi (Salaan-carabey)

Qalinka:Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormada: 1aad Hargeysa, 17/1/2015ka,

Gorfayntii Barnaamajkii Kulmiye sidiisii ha inoogu dabranaato. Horaa loo yidhi: “Matagna kulama gaadhaa la yidhi, mooska dibadeede.” Hadba aniga oo tii hore ku maqan baa, dheryo iyo dhadhaarro kale la rigaaxayaa. Baylahdaa badan, baydh-baydhkaa ka sii daran. Ma Buuhoodle ayaynu ka hadallaa? Ma waxa Boorame looga booday ee Siimoodi loo beegsaday ayaynu baacinnaa? Ma waxa Boorame loo taseeyay ee habeen-dhaxa loogala masuugay ayaynu ka faalloonnaa? Mise waxa maamulkeenni ku diray miyuusiggan lixdan jirka ku dhow ayaynu sababteenna doonnaa? Bal adba! Qormooyinkan gaabanna Sabtiile-kalkaal aan ugu wan-qallo.

Ta aynu maqallaaba, tii hore ka daran. Waxaynu maqli jirnay: “Ninkii dhiman waayaa, muxuu tu’ walba arkayaa.” Qoladan reer Xamarka ah ee ay Xukuumaddenna dul-yar hoosta iskaga daloolaanna waxay markooda yidhaahdaan: “Cimrigaaga oo dheeraadaa, geel dhalaayana waa ku tusaa.” Nimanka sidaa u maah-maahaya geelu wuxu ugu jiraa ‘Cajaa’ibu dunyaa.’

Waxba yaan arar aabbaheed goblamay idin ku dawikhin. Waa sidii uu Timacadde u yidhi: “Waagii dillaacaa naxdimo, dihin la sheegaa.”

Dhulkii waa la dhammeeyay. Wershedihii waa la wareejiyay. Derbiyadii iyo daarihii waa la dillaalay. Saxaafaddii waa la seeteeyay. Garsoorayaashii waa looga dhaartay in ay guddoonkooda sheegaan. Waxaan is-idhi: “Meelina idiin ma fayooba.”

Ugu dambayntii markii wax kale oo dhanba la soo idleeyay ee sidii lafaha loo feentay, waa tan aakhirkii naf la mooday in ay Miyuusiggii dhaxalka ummadeed ahaa meydhaanto oo ka tir-tirto mullaaxaha ay ku duuban yihiin.

Bishan, Jeeniweri 11dii, 2015ka Garsoorihii Maxkamadda Gobolka ee Hargeysa ayaa la sheegayaa in uu oodda ka qaaday Wargeyskii Hubaal oo beryahanba sharci-darro ku xidhnaa. La-ye afar jeer markii uu qoraal Garsooruhu u qoray ciddii soo eedaysay ee laga soo jawaabi waayay, ayuu Wargeyskii fasaxay illeyn cid la dacwiyaysaa ma jirto e’. Miyaad maqasheen in Wargeyskii dib loo xayiray, Garsoorihiina xilkii laga qaaday oo sidaa lagu eryay? Xukuumadeenna dul-yar xinka u diranaa. Hadda halkii wax-ka-qabashada u baahnayd loogu taag iyo tamarba waa. Kaasi waa nabar.

Wershedihii Laydhka ee Berbera iyo Hargeysa oo la wareejiyay iyaga oo miisaniyad-beenaaddan 2015ka ku jiray, iyaduna waa war kale oo nabar aan laga kicin inagu noqday.

Macdanta iyo batroolka la inagu dawakhiyay iyaguna waa nabarro kale oo hafeeftooda iyo hurgumadooda leh. Ma maqli jirteen: “Demmen wayska huruddaa, docda Bari ka laba gura.” Alleylehe waa iyadii oo aan biyo is-marin. Waa niman soo xoogsi tegay oo aan dal iyo dad dan iyo muraad ka lahayn. Bal adba!

Meel fayowba haddaad aragtaan. Innaga oo intaas oo gantaalo sumaysan ah qabna oo wadnaheenna iyo halbowlayaashuba dhiigga habayaan, la-ye Miyuusiggii uu Radio Hargeysa warka ku soo geli jirayna, waa la joojiyay oo waa la beddelay. Meel fogba loogama imanne, waxay is-la dhex-qaadayeen Wasaaradda Warfaafinta ayaa beddeshay. Hadda waaba sidaas iyada oo aanay laba Cali is-weydiin. Aqoon-darrooy adna dabkaa ba’! Aan oodo dhacameed siday u kala sarreeyaan u kala-gurno:

  • Midi waa halkan uu miyuusiggaasi ka bixi jiray ee Radio Hargeysa,
  • Midina waa Miyuusigga laftiisa,
  • Midina waa ciddii curisay,
  • Midina waa goortii iyo halkii lagu curiyay,
  • Midina waa intii la adeegsanayay,

 boggMidi waa Miyuusiggani halkuu ka bixi jiray ee Radio Hargeysa:

Siday u kala horreeyaan ayaynu u-xabbad-qaadaynaa. Su’aasha qarnigu waa halkee ayuu Miyuusiggani ku bilaabmay ee ka bixi jiray ee maanta laga joojiyay? Waa Radio Hargeysa, hooyada Idaacadaha Soomaaliyeed. Waa bud-dhiggii war-baahinta ku ab-tirsata afka Soomaaliga. Waxa laga furay Hargeysa sannadihii gumeysigu dalka ka talinayay xilli ku beegnaa 1941kii. Waa Idaacadda ugu da’da weyn Idaacdaha Soomaaliyeed ama afka Soomaaliga ku hadla ee jira ama jiri jirayba. Afka lagama dhowro e’, waa 74 jir. Cidina weligeed uma wan-qalin, weligeed xaflad looma samayn, weligeed looma ciidin oo looma dabbaal-degin, 75-guuradeedana cidi ma hadal-hayso.

Dhowr boqol oo Watt ayay ku bilaabantay, markii ugu sarreysayna waxay gaadhay 100 KW, oo ahayd sannadkii 2012kii. Wax yar ka dib sidii ay u fadhiisatay Idaacaddaa weyneyd dib uma ay tamarin. Waxa lagu meeraystaa Idaacado yar yar oo FM oo sidii hadhuudhka aad mooddo in dalka lagu shinniyeeyay. Xukuumaddeenna faan-jecel iyada oo aan Idaacadba lahayn ayaa faankeedii iyo fadhadhaqdeedii laga fadhiyi la’ yahay.

Radio Hargeysa waa ababshihii Idaacadaha Soomaaliyeed. Waa aasaasihii iyo bud-dhigihii guud ahaanba fanka Soomaaliyeed. Waa socod-barihii iyo faafshihii Masraxa Soomaaliyeed. Waa baahshihii iyo keydiyihii suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Iyada oo intaas oo dagaal iyo burbur ah la soo maray, haddana waxa ku yaal Radio Hargeysa qolka keydka cajaladaha Soomaaliyeed ee ugu hodansan. Radio Hargeysa horseed wax badan lagaga daydo ayuu ahaan jiray. Hees aan laga soo xigan oo aan lagaga dayan wax yar ayay Idaacadaha Soomaaliyeed ee kale qaadeen. Waa xudduntii Qaraamkii, waa xaruntii  miyuusigga iyo alxaanta.

Midina waa Miyuusigga laftiisa: Miyuusiggan muranku ka taagan yahay ee sida sharci-darrada ah hawada lagaga saaray, waxa laga soo dheegtay Hees uu midhaheeda iska leeyahay Hal-abuurka, Maadeeyaha, Jilaaga caanka ah ee Ismaaciil Cabdi Ibraahin (Basbaas) oo ku dhashay Degmada Oodweyne, 1937kii. Heestan midhaheeda waxa ka mid ah

“Ayaantani waa mid aayo lehoo,

  Loo iiday sidii bishii Carrafoo,

  Ilaahay mahaddiisa weeyaan,”

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here