Biyo la’aan Sababtay Bara-kac oo ka jirta Gobollada Awdal, Saaxil Iyo Saraar + Qaylo-dhaanta Xoolo-dhaqatada iyo Xukuumadda oo ka hadashay

0
37

Hargeysa (Hubaal)- Biyo-la’aan baahsan oo saamayn ku yeelatay Nolosha Xoolaha iyo Bulshada ku dhaqan deegaamo ka tirsan gobollada dalka qaarkood, ayaa jirta gobollada Awdal, Saaxil iyo Selal ee Somaliland, iyada oo meelaha qaarkood ay ka dilaacday Abaar ba’an oo dadka xoolo-dhaqatada ah ku kallifay inay ka barakacaan deegaannadooda.

Xoolo-dhaqatada ku dhaqan Woqooyiga Gobolka Awdal oo laga soo sheegay abaar muddo ka jirtay deegaannadooda, ayaa ka baracay deegaamadii ay ku noolaayeen, iyaga oo sheegay inay ka dhammaadeen xoolihii ay dhaqanayeen, waxaanay isugu soo urureen isla markaana guryo ku-meel-gaadh ah ka dhisteen deegaan ka tirsan degmada Baki ee gobolka Awdal.

 maxamuud-cali

Dadka xoolo-dhaqatada ah oo warbaahinta kula hadlay deegaanka ay u soo bara-kaceen, waxa ay ka deyriyeen xaaladdooda nololeed abaarta ka jirta deegaankooda, waxaanay gurmad deg-deg ah ka dalbadeen xukuumadda iyo hay’adaha gar-gaarka bani’aadamnimo bixiya ee dalka ku sugan.

Haseyeeshee, badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo xalay khadka telefonka ugu warramay Wargeyska Himilo, ayaa sheegay inaanay maamul ahaan waxba ka ogeyn xaalad abaareed iyo barakac ka jira gobolka, balse waxa uu xaqiiyey inay jirto biyo-yaraan ka jirta meelo ka tirsan gobolka, maamul ahaanna ay ka hawl-galeen sidii looga hawl-gali lahaa.

Maxamuud Cali Saleebaan oo aanu weydiinnay waxa ay maamul ahaan kala socdaan Qaylo-dhaanta abaareed ee ka soo yeedhay xoolo-dhaqatada gobolka Awdal ee deegaannadooda ka bara-kacay, waxa uu ku jawaabay, “Hawshaa waanu ku gudo-jirnaa, Xaaladdaas waanu u hawl-galaynaa, ilaa immika waxaanu xaqiijinaynaa biyo la’aan ka jirta meelaha qaarkood, laakiin wax aanu immika ku dhawaaqayno oo aanu ku sheegayno dad baa xoolo ka dhammaadeen oo barakacay ma hayno. Xilli Jiilaal ah baa lagu jiraa, Illaahayna Raxmadiisa ayaanu ka sugaynaa, wixii aanu qaban karno waanu samaynayaa Insha Allah, laakiin waxa waajib nagu ah inaanu xaqiijinno, taasna waanu wadnaa,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Awdal, waxaanu intaas ku daray in degmada Dila ka mid tahay meelaha biyo-la’aanta ba’ani ka jirto gobolka.

Sidoo kale, xaaladda biyo la’aanta ayaa cabsi-gelisay nolosha Xoolo-dhaqatada deegaanno ka tirsan gobolka Saraar gaar ahaan degmada War-idaad, iyada oo ay gabaabsi yihiin biyihi ku jiray Ceelasha ee Xoolaha laga waraabinayey, waxaana qaylo-dhaantan kaga dhawaajiyey Maamulka gobolka Seraar oo xukuumadda iyo hay’adaha Caalamiga ah ka dalbaday gurmad biyo-dhaamis ah oo lala gaadho dadka xoolo-dhaqatada ah.

Guddoomiyaha gobolka Saraar. Cali Maxamed Faarax oo xalay  khadka telefonka ugu warramay weriye ka tirsan Wargeyska Himilo, waxa uu sheegay in xaaladda nabadgelyo ee gobolku wanaagsan tahay, balse ay jiraan biyo la’aan baahsan oo saamaysay nolosha bulshada ku dhaqan tuulooyin ka tirsan degmada War-Idaad, kuwaas oo uu ku sheegay inay yihiin meelaha ugu daran ee biyo la’aantu saamaysay.

“Nabadgelyadu way fiican tahay, Dadka iyo Xooluhu way caafimaad-qabaan, laakiin waxa jirta Biyo la’aan, xukuumaddana waxaan u diray Qaylo-dhaan ah in dadka gurmad lala soo gaadho, marka la eego Xoolo, raashinka iyo daaqsinku wuu iska wanaagsan yahay, biyihii baraagaha ku jirayna gabaabsibay ku dhow yihiin,” Sidaas ayuu ku jawaabay Badhasaabka Gobolka Saraar, waxaanu intaas ku daray oo yidhi, “Abaari ma jirto laakiin biyo-la’aannbaa jirtay bishii u dambaysayba oo barkadihiibaa ka dhammaaday.”

Dhinaca kale, xaalado biyo-la’aaneed ayaa ka jirta qaybo k atirsan gobolka Saaxil, gaar ahaan tuulooyinka hoos-yimaadda degmada Berbera oo xaaladdani ku keentay in tiro xoolo ahi u dhimato biyo-la’aanta jirta, sida lagu sheegay qaylo-dhaan ka soo yeedhay xoolo-dhaqatada deegaannada biyo-la’aantu ka jirto. Ilaa immika ma jiro gurmad dawladda Dhexe iyo hay’adaha Caalamiga ah uga tagay deegaannada biyo-la’aantu ka jirto ee gobolka Saaxil, gaar ahaan degmada Berbera. Badhasaabka Gobolka Saaxil oo aanu khadka telefonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga weydiinno xaaladda biyo-la’aaneed iyo haddii ay jirto wax tallaabo ah oo ay ugu gurmadeen dadka tabaalaysan, ayaa gebi ahaanba afka ka xidhay ka-hadalka arrintan, kaddib markii uu qaban-waayey telefonkiisa gacanta oo aanu tirada dhowr jeer kala xidhiidhnay.

Xaaladdan biyo-la’aaneed oo ku soo beegantay wakhti jiilaal, ayaan ku koobnayn saddexda gobol ee qaylo-dhaantu ka soo yeedhay, waxaanay wararka laga helay deegaannada gobollada Selal, Togdheer iyo Sool lagu sheegay inay biyo-la’aani ka jirto, waxaanay xaaladdani ku soo beegmaysaa xilli muddo kooban oo todobaaddo ahi ka hadhsan tahay xilli-roobaadka Gu’ga oo ku beegan dabayaaqada bishan ilaa horaanta bisha April ee foodda inagu soo haysa.

source:himilo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here