Boorama (Hubaal) – Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir ayaa war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay war lagu baahiyay Mid ka mid ah shabakadaha ka dhisan Magaaladda Boorama.
Waxa Kale waxa uu xusay in aanu isagu xidhin wariye Cabdicasiis, Balse uu u xidhan yahay sheikh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar.
Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu khadka Telefoonka ugu waramayay Hadhwanaagnews, waxaanu yidhi “Waa wax lala yaabo warka ku daabacan Boramanews, waa war turxaan badan oo gaf ku ah gobolka iyo dadka ku dhaqan, waa war fadqalalo abuur ah oo ay qoreen shaqsiyaad ka madhan anshaxa saxaafada, ma jirto wax cambaarayn iyo dhaleecayn ah oo na dhex martay aniga iyo Sheekhul baladka Boorama, Sheikh Cabdilaahi Sh.Cali Jawhar, waxna aan sheegayaa in shabakadaas been abuurka badani ay mar kale ka been abuuratay Sheekha oo agtayda iyo dadka reer Somaliland dhexdoodaba ku leh karaamo iyo cisi gaar ah”
Badhasaabka oo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi “Ma aha aniga cida xidhatay Wariye Cabdicasiis, waxase ay ciidamada boolisku ii sheegeen in uu Wiilkaas yar uu soo dacweeyay sheikh Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar, kadib markii shabakada uu masuulka uga yahay Boorama lagu baahiyay war sheekha ka been abuuraya isla markaana laga fogeeyay dulucdii uu lahaa lagana dhigay mid khilaaf abuuraya” ayuu yidhi.
Dhinaca kale qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan Magaaladda Boorama ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay warkaasi lagu baahiyay mid ka mid ah mareegaha boorama.
Waxa ay isku raaceen in aanay ahayn dhaqanka suuban ee warbaahinta Somaliland.