Ilaahay ayey mahadi u sugnaatay, maanta waxaan aqoonsaday in faa’ido aan la taaban karini ku jirto adeegsiga baabuurta dabdamiska ah ee xukuumada Somaliland samaysay, isla markaana ugu deeqday xaafadaha kala duwan ee caasimada, iyadoo masuul uga dhigtay dawladda hoose.
Daraad waxaa gaadiidka dabdamisku dar ilaahay ku badbaadiyeen caruuro walaalo ah oo uu ku gubtay aqalkii ay deganaayeen oo ka samaysnaa jiingad, kuna yaalay xaafada Sheekh Mubaariga.
Dadweynaha xaafadaas ayaa ka abaal sheegtay sida dadnimada leh ee xukuumadda Somaliland u badbaadiysay caruurta walaalah ah ee aqalkoodu ku gubtay, waxaanu aad u soo dhaweynaynaa siyaasadda uu madaxweynuhu ka leeyahay dhisimaha xarunta dabdamiska ee caasimada laga wado.
Madaxweyne adiga iyo xukuumaada waxaanu abaal idiinka haynaa sida hufnaanta leh ee aad noola garab taagan tihiin adeegyada bulsho ee ay ka mid yihiin tan maanta aanu ku naaloonayno iyo kuwo kale ee dalka oodhan laga hirgeliyey ee ay wadooyinku ka midka yihiin.
Geesta kale, waxaanu bogaadin taas la mid ah u diraynaa dawladda hoose ee caasimada oo had iyo jeer heegan buuxa ugu jirta sidii ay qayb uga qaadan lahayd, isla markaana jecel inay fuliso siyaasada xukuumadda ee ah xaqiijinta fulinta adeegyada bulshada, iyagoo kaalin muuqda ka qaatay, kana muuqada xafiiskooda oo hadh iyo habeen ay tuban yihiin baabuurta dabdamisku.
Gabagabadii madaxweyne adiga iyo xukuumadaada waxaanu leenahay halkaas kaga sii wada dadaalka aad ugu jirtaan horumarka dalka iyo maamul daadejinta aad magaalo kasta ka hirgeliseen, malaayiin jeer ayaanu ku leenahay madaxweyne hambalyo, hambalyo.
Axmed Muuse