“Awooda Dawladda Somaliland Waxa Loo Adeegsaday Haweenay Da’ ah Oo Xannuunsan Iyo Cariish Ay Ku Jirtay” DAAWO Xildh. Jaamac Oo Ka Safarka Uu Ku Tagay Deegaanka Diiriye Guuleed

0
21

Burco (Hubaal) Xildhibaan Jaamac Faarax(Jaamac Riyo) oo ka mid ah golaha Guurtida Somaliland,ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland awood u adeegsatay haweenay da’ah oo bukaan ah isla markaana xannuun ka haleelay maskaxda oo qoyskeedu awoodi kari waayay inay la guurto oo reer guuraa ah isla markaana ay dhakhtar geyn kari waayeen oo ay ku xidheen cariish ku yaalla baliga Diiriye Guuleed oo lagu hayay kagana war hayeen dadka deegaanka oo halkaa wax ku siinayay

Xildhibaan Jaamac Riyo ayaa ku tilmaamay xukuumadda Siilaanyo mid dadka tabaalaysan ee diciifka ku tumanaysa waxaana uu sheegay in haweenaydan xannuunsan ay tahay mid gar-gaar u baahan sidaa daraadeedna waxa uu Jaamac Riyo dhaliilo iyo cambaareyn dusha uga tuuray xukuumadda oo uu ku sheegay  muwaadiniinta diciifka ah mid ula tagtey dhibaato

jaamac riyo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here