Awood Sheegashada Warancade Iyo Gaabiska Dawlaha Hoose W/Q:- Deeq C/Laahi Cawaale

0
21


Badhtamihii. bishan ayaa dadwaynaha reer hargaesa ku waabariisteen awaamiir iyo nidaam cusub oo lagu soo rogay wadooyinka dhexmara caasimada s.land ee Hargeisa taas oo saamaysay Dhamaan isku socod gaadiidka dadweynaha.waxaanay ahaayeen arimaha ugu hadal haynta badnaa labadii todobaad ee la soo dhaaafay run ahaantiina Waxa muuqatay degdeg badan inuu ku jiray.waayo waxa fiicnayd in dib u dhis iyo Balaadhin lagu sameeyo jidadka kale ee magaalada dhexmara marka laga reebo jidka wadnaha ah ee dhexmara magaalada taas oo Waxka qabashadeeda iyo nidaaminteeda u xilsaaran tahay dawlada hoose kana mida adeegyada ugu muhiimsan ee dadweynuhu ka sugayeen inay waxka qabtaan uguna codeeyeen uguna hanwaynaayeen maadaama ay u xilsaaran saaran yihiin inay waxka qabtaan adeegyada dadweynuhu u baahan yihiin ee magaalooyinka balse taas bedelkeeda aad moodo in golihii dhamaa ee dadweynuhu doorteen ay ku mashquuleen arimaha dhulka iyo tamashlaynta in lagu arko meelaha dadku isagu yimaadaan. Waxaana wax laga xumaado in hawlihii soo jireen ka ahaa ee xataa qofka aan waxba ka garanayn dawladanimada iyo iyo shaqooyinka ay kala leeyihin. ay fahmi karaan inay dawladaha hoose waxyaabaha. ay u xilsaaran yihiin wadooyinku yihiin Kuwait ugu muhiimsan.,Hadana ay tahli waayeen iska daa waxay soo kordhiyaane inay dayactiraan kuwii jiray ee ay ugu yimadeen mudadii labada sano ahaa ee ay xilka Hayeen.

deeq cabdiwaxa iyana wax laga xishoodo ah in Hawshii dhamayd ee dadweynuhu u igmadeen dawlada hoose wasaarda arimaha guduhu ku farogaliso hawshii loo igmaday lana wareegto iyadoo lagu eedaynayo shaqo gudasho la,aan iyo gaabis xaga waxka qabashada arimaha wadooyinka iyado sanadihii ugu danbeeyay dadweynuhu ka cabanayay (traffic jump) kaas oo dhibaato badan ku hayay wadooyinka dhexmara gudaha magaalada in maaro loo la,aa waxaana inta badan laga cabtaa wadooyinka. xumo. dayactir la,aan ka jirta wadooyinka Dalka guud ahaan magalooyinka waawayn ee Dalka gaar. ahaan Kuwa dhrxmara gudaha Hargaesa waxa iyana jirtay in sharciga wadamarista aanay ku dhaqmin wadayaasha baabuurta oo aad arkayso iyagoo isku Wada xanibaya taas badankooda ay ka muuqato dulqaad iyo samir la,aan waxaana muuqata ama yar ku dhaqanka sharciga wadomarista maadaama aanay inta badan aanay la kulmin garaaax iyo sharciga oo la mariyo cidii ku xadgudubta Nidaamka wadomatista iyadoo aan odhan karno ciidamada wadooyinku ay inta taaagoda dadaalaan balse aanay wali helin tababar kor loogu qaado aqoontooda iyo caawin xaga gaadiidkii ay ku hawlgali lahaayeen.

Hadaba waxan odhan karnaa walaw uu nidaamkan cusub ee lagu soo rogay qaabka wado marista Hargeisa la odhan karo waxa uu in badan fududeeyay isku socodka magalada dhexdeeda waxaanu yareeyay traffic. jumpkii marka laga tago amarka ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha waxa muuqata inay meesha ka baxday shaqadi iyo kaalintii dawlada hoose waxaana ceeb ah in shaqadii loo igmaday ku eedeeyaan wasaarada arimaha guduhu ku dagdagtay dhaqan galinta nidaamkan waxaanay taas bedelkeeda ahyd inay qaadaan talaabo wax lagaga qabanaayo arimaha wadooyinka iyo inay baneeyaan wadooyinka dhan walba lagaga soo durkay ee baabuurti la,dahay meel ay Maraan. dayactiraana wadooyinka magaalada dhexmara ee aad moodo in la qoday.waxaanan talo ahaan u soo jeedin lahaa a)in habkan cusub ee wado marista laga reebo basaska rakaabka oo ay dadweynuhu dhib kala kulmeen maalmihii yaraa ee lagu dhaaFay laguna daayo sidoodii hore.b)in dawlada hoose balaadhin iyo dib u dhis ku samayso wadooyinka magaalada dhexmara c)in ciidanka wadooyinku talaabo adag oo xadhig iyo ganaax ah ku ridaan cidii ka hor timaada habkan cusub Lana adkeeyo nidaamka baabuur wadida lana mamnuuca inaan la ogolaan cid bilaa liisan ahi inay gaadhi wado. d)in lagu sameeyo wadooyinka. dhamaan cadaamadihi wadomarista( traffic sign ) si ula qabsadaan dadka ku cusub dalka e) waa in wacyigalin la sameeyo .gabagabadii waxaan odhan karnaa waa markii ugu horaysay ee dawlada dhexe farogaliso hawlgala dawlada hoose waxaana ku macnayn karnaa inay tahay awood sheegashada Cali Warancade iyo gaabiska dawlada hoose

W/Q:- Deeq C/laahi Cawaale

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here