Aqoonyahan Guuleed Goohe Oo Markii Ugu Horaysay Shaaciyey Hankiisa Siyaasadeed, Kana Dhawaajiyey Inuu Yahay Murashax U Taagan Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland

0
82

Hargeysa(Hubaal) -Guiled Yusuf Idaan , oo ka mida dhalinyarada Caasimadda Hargaysa ayaa markii ugu horaysay shaaciyey inuu yahay  Murashax  u taagan Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland, oo la filayo inay dalka ka qabsoonto dhawaan.

Guuleed Goohe

Guuleed waa qofkii ugu horeeyay ee Dhalinyaro ah oo shaaciya in  uu yahay musharax u taagan dooroshooyinka Wakiilada   ,

Guuleed Yusuf Idaan oo dadka badankiisu uyaqaano Guuleed Goohe  waxa uu Hankiisa siyaasadeed kaga dhawaaqay Madal ay ilyartu is qabatay oo iskugu yimaadeen Haldoorka Dhalinyarada Caasimadda Hargaysa, kuwaasoo si diiran u soo dhaweeyey Murashaxnimada Guuleed Yuusuf Iidaan oo ah Nin Dhalinyaro ah oo bulshaawiya oo taageero balaadhan iyo saaxiibtinnimo dhaw la leh guud ahaan Dhalinyarada Caasimadda Hargaysa, waxaanu sheegay inuu aad ugu niyad-san yahay Xilka uu isku soo taagay ee Golaha Wakiillada Somaliland.

Guuleed waxa uu ka mid ahaa Dhalinayaradii ugu horaysay ee ay Macalinnimo  u qaadatay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sarre, ee Dugsiyada Sare, sidoo halena waxaa uu kamid ahaa Assasyaashii  Dalada dhalinyarada Somaliland Ee SONYO  oo uu xilal kaladuwan kasoo qabtay  ,waxaa uu ahaa Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Dalada Dhalinyarada ee SONYO , waxaa uu kaqaygalay  Shirar badan oo ay  Dhalinyarada Aduunka  iskuguyimaadeen , iyadoo uu mudo dheer ka soo shaqaynaayey arrimaha horumarinta dhalinyarada Somaliland, isagoo hormood u ahaa kooxdii u olalaynaysay in dhalinyarada Somaliland 25-Sano wixii ka wayn ay iskugu soo taagi karaan Mansabyada siyaasadeed, taasoo ah mid taariikhda u gashay oo uu abaalkeeda ku leeyahay Dhalinyarada Somaliland

 

Guuled waxaa lagu tilmaamaa  Shaqsiyad Kaalin firfircoon kaga jirtay hawlaha qaran ee uu bilaabay dhalinyaranimadiisii, taasoo uu si muuqata ugu dhex-jirey. Dadka aqoonta fiican u leh Guuleed Yuusuf Iidaan waxa ay ku  sifeeyaan inuu Shaqsi booskan ku habboon oo ka soo bixi kara Xilkan uu isku soo taagay ee Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland.

Waxaanay ku tilmaamaan nin Dabeecad wanaagsan, bulshaawiya, Hadal-yaqaanna, Deeqsiya, Kaftan badan oo dad isku wad leh, isla markaana wax weyn ka badali kara Xaalada Dhalinyarada Somaliland ku sugan tahay, iyadoo ay horeba waxqabad balaadhan u gashaday Dhalinyarada Somaliland, isla markaana uu kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay Horumarinta arrimaha bulshada Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee Guuleed Goohe oo ah Aqoonyahanka dhalinyarada ah ee faro ku tiriska ah ee si rasmiya u sii shaaciyey inay u taagan yihiin Murashaxnimada doorashada Golaha Wakiillada, ayaa waxa si diiran u soo dhaweeyey una muujiyey taageero iyo kalsooni ay u hayaan Dhalinyarada beesha uu ka soo jeedo iyo guud ahaan dhalinyarada aqoonyahanka ah ee Caasimadda Hargaysa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here