Hargeysa(Hubaal) Cali Maxamed Yuusuf (CaliGuray) ayaa ka Hadlay Sidda uu u arko Waftigii Saddexda Xisbi Qaran ee Shallay u Ambo baxay Dalka Keniya kuwaasi oo kulano la soo yeelandoona Qaadhabixiyaasha, Qoraal Kooban oo Cali Guray soo dhigay Boogiisa Facebook ayaa sidda u Dhignaa.
“Ilaahow aan waaga waraabe cunin. Ama shakiga mucaaridka ayaa been noqon oo doorashooyinka ayaa sidii loogu talogalay u qabsoomi, Ama waxa aan is lahayn qawlka iyo ficilka Madaxwayne Silanyo iyo xukuumadiisa oo shakiga jira ayaa rumoobi oo isu kordhin baa imane aan sugno wada hadal baa haad kaasaa ka hadhaye.
Xaga ahmiyadaha xisbiyada UCID iyo Waddani waxay labada gudoomiye mudnaanta koobaad siiyeen dhinaca doorashada lakiin Gudoomiye Muuse wuxu mudnaanta koobaad siiyay oo doorashada kala muhiimsan hadalkii Xasan Sheekh oo aynu wada garan karno inu hadal tiro uun yahay. Qaadhaan bixiyayaasha ay la kulmayaan ma ta Muuse ayay mudnaanta siin doonaan mise ta Faysal iyo Cirro.
Waynu garan karnaa in arinka ku mudan dawladaha ay safiiradooda la kulmi doonaan ay tahay arimaha doorashooyinka.
Markaa Muuse imika ayaabu lunsan yahay ee bal aan dhawrno waxa loogu yeedhay ee lagala hadli doonaa in ay noqoto hadalkii Xasan Sheekh iyo ay sida aan filayo doorashooyinku noqdaan waxa ugu muhiimsan ee loogu yeedhay.
Tan kale maan fahmin Gudoomiye Cirro waxa uu ka biyo diiday ee KULMIYE iyo UCID isugu nisbeeyay waayo hadalka Faysal kuma jiro wax sidaa loogu nisbayn karaa.