ALF…ALF… Mabruuk: Madal Saaka KULMISAY Haldoorka Qaranka  Oo Maayer ku xigeenka Caasimaddu Ugu Geed Fadhiistay Marwadiisa+DAAWO SAWIRRO Tiro Badan Oo Jewigii Madasha Ku Dhereran

0
23

Hargeysa (Hubaal)- Madal dhaqameed ilyartu is qabatay oo maanta ka qabsoontay Hotel-ka Ambassador ee Magaaladda Hargeysa ayaa kulmisay xidid iyo xigaal si wada jir ah u  yagleelay   Aqal cusub oo ku soo biiray bulshada Somaliland.

Madashan Nikaaxa ah oo lay sugu hibeeyey  Caruus Cabdicasiis Maxamed Xaashi oo ah Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa iyo Marwo Dhool Maxamed Cabdi ayaa kulmisay Wejiyo kala duwan oo u badan labeenta bulshada Somaliland gaar ahaan masuuliyiin Qaran  iyo haldoor caan ah.

Madashan oo kasokow odayaasha labada dhinac ee Caruuska iyo caruusadda waxa kale oo ka soo qayb galey madax dhaqameed, Aqoon yahan, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Haldoor kale.

Haddaba Halkan hoose waxa aanu idiinku soo gubdinaynaa Sawirro aad u badan oo ku suntan Madashii Maanta iyo Jewigii Meherka Qarniga. Annaga oo Hubaal ahaan Halkan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi Karin hawda uga dirayna Caruuska ahna Maayer ku xigeenka Caasimada Md. Cabdicasiis Maxamed xaashi (Cago-weyne) iyo Caruusadda Dhool Maxamed cabdi.

Maareeyaha HUBAA MEDIA NETWORK Maxamed Axmed Jaamac (Calooley)

Tifaftiraha Guud ee HUBAAL MEDIA NETWORK Xasan Xuseen Cabdillaahi (KeefkeeF)

MAdaxa Wararka Ee HUBAAL MEDIA Mustafe MAxamed Cabdillahai

Ibraahim Axmed Shiine, Aadan Cabdi Ciidle, Sakariye Axmed Jaamac, Cabdirisaaq Xuseen Xaashi, Maxamuud Saalax Ducaale, Cismaan AXmed Cismaan, Axmed Cumar Axmed (Timo).

Dhammaan hawl wadeennada, Qorayaasha iyo masuuliyiinta HUBAAL Media Waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan;

Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed XAashi (Cago-weyne) iyo Marwadiisa Dhool Maxamed Cabdi oo maanta meherkoodu ka qabsoomay Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Hotel Ambassador, waxaanay leeyihin gacal iyo sokeeyaba guurkiina lagu farax, guulle lagama waayee gobonimo ku aqal gala. Aamiin Aamiin

1

2

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here