AKHRISO: Xukumadda Somaliland Oo Ogolaatay in Dad Qaxooti ah Oo U Dhashay Somaliland Laga Soo Celiyo Dalak UK

0
18

Waxa Arrintan Ingiriiska U Balan-Qaaday Heshiisna Kula Saxeexday Wasiiradda Cadaaladda Iyo Guraha

 

Hargeysa, (Hubaal) – Xukuumadda Somaliland ayaa dawladda Britain ka ogolaatay inay dhawaan wadankeeda ka soo saarto dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo la sheegay inay ku guul-daraysteen inay magangalyo (Asylum) ka helaan dalkaasi. Dadkan oo lagu soo celinayo Somaliland ayaa waxa kale oo ka mid ah qaar ku kacay fal-danbiyeedyo sababay in xukuumadda Britain kala noqoto sharcigii ay wadankeeda hore ugu joogeen. Wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancade ayaa mar ay masuuliyiin ka tirsan dawladda Britain kula kulmeen London iyo Hargeysa-ba si fudud uga ogolaaday codsiga ah in Somaliland lagu soo celiyo dadkaasi, iyadoo Mr Xuseen Caydiid uu 16/4/2014 heshiis arrintaasi ku saabsan Hargeysa kula saxeexday Wasiirka UK u qaabilsan Arrimaha Afrika Mark Simmonds.

xukuumada somaliland

Siday ilo arrimahaa u dhuundaloolaa sheegeen, Cali Warancade oo horaantii sanadkan booqasho ka tagay magaaladda London ayaa saraakiil Ingiriis ah oo uu halkaasi kula kulmay u balan-qaaday inuu shakhsiyan ku dedaali doono sidii uu codsigoodaa u meelmarin lahaa.

 

Haatuf

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here