AKHRISO; Xildhibaan Beelaha SAMAROON Ugu Baaqay Shir

0
31

Hargeysa(Hubaal)-Xildhibaan Mahdi Xuseen Cadar oo kamid ah, Xubnaha Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ugu jira Gobolka Awdal, kana mid ah Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye ee kasoo jeeda Gobolkaasi ayaa ku baaqey in ay dhawaan qabanayaan Shir balaadhan oo ay isugu iman, doonaan Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Aqoonyhanka iyo Xubnaha GolahaXukuumada kaga jira Gobolka Awdal. Xildhibaan Mahdi Xuseen Cadar(Mahdi-Gees), oo qoraal uu arintaa ku faafaahinayo soo gaadhsiiyay Waaheen isagoo dhameys tiran wax uu dhignaa sidan “Noqon maayo Hindi soo shaqo tagey, shacbiga Somaliland waxey Dowladnimo dhisteen Sanadkii 1991kii, waxaanay mar kale dowladnimo kudhisteen Boorame, sanadkii 1993kii dowlad dhameystiran oo leh qaab sharciyeed, waxa kale oo loo cadeeyay distoor iyo nidaamka XisbiyadaMadaxabanaan.

news
Hadaba maanta oo aynu mareyno lana joogo sanadkii 2014kii waxey umuuqataa in laga baxey dhamaanba wixii lagu heshiiyay loona gudbay qaab qabiil ah kadib markii beesha dhexe ee Somaliland iyo Beelaha Reer Sheekh Isaxaaq), ukala baxeen habar magaado iyo habar Xabuusheed si badheedh ah. waxa kale oo iyana la ogyahey in ay Maamul Goboleedyo sameysteen Beelaha Bariga Somaliland ee Harti, Hadaba anigoo ka wakiil ah Shacbiga isoo doortey iyo qaranka Somaliland, una taaganahay dhowrista ilaalinta distoorka iyo shuruucda dalka, waxaan si cad ugu baaqayaa Beesha aan kasoo jeedo ee Samaroon in aan baaq ujeedinayo in ay si degdeg ah isugu yimaadaan si ay uga wada tashadaan ugana tashadaan arimaha soo kordhay iyo duruufta taagan waxaanan baaqan ujeedinayaa dhinacyada Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Sulaadiinta, duqeyda iyo cid kasta oo daneyneysa arimaha soo fool leh si ay u gutaan mustaqbalka umadnimo iyo kan qaran ama Reernimo Wa Bilaahi Towfiiq Xildhibaan Mahdi XuseenCadar(Gees)”Ayuu Qoraalkiisa Kusoo Gabagabeeyay Xildhibaanku.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here