AKHRISO: Wasiiro Somaliland Ah Oo Ka Qayb Galay Aaska Garaad C/laahi Garaad Soofe Oo Ku Geeriyooday Buuhoodle

0
26

Buuhoodle(Hubaal) Alla ha u naxariistee waxa magaaladda Buuhoodle ku geeriyooday Garaad C/laahi Garaad Soofe oo ka mid buuhoodleahaa madax dhaqameedka Gobolkaasi.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cismaan Garaad Soofe oo ay walaalo ahaayeen garaadka geeriyooday iyo wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xagla toosiye) ayaa gaadhay magaaladda Buuhoodle, halkaas oo ay kaga qayb galayaan Aaska Garaadka.

aaska garaad soofe

Wararka aanu ka helayno magaaladda Buuhoodle ayaa sheegaya in ay kooxda khaatumo oo ay hogaaminayaan madaxdoodu magaaladda keentay Ciidan, halka madax ka socota maamulka Puntland ay soo gaadheen Buuhoodle si ay Aaska uga qayb galaan.

Wasiiradda Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inaanay wali gaadhin magaaladda Buuhoodle, waxaana jira dareen sheegaya in kooxda Khaatumo u diidan tahay, wallow Odayaasha Reer Buuhoodle Makarafoon kula wareegayaan magaaladda oo ay masuuliyiinta kala duwan ku baraarujinayaan inay ka wada qayb galaan oo aan la syaasadayn Aaska Garaadka.

Garaadka Geeriyooday ayaa saaka lagu aasay magaaladda Buuhoodle, halkaas oo garaadka fadhigiisu ahaa.

Geerida Garaadka waxa Hargeysa Tacsi uga diraya masuuliyiin kala ah:-

Maxamuud Garaad Maxamed

Fu’aad Aadan Cade

Jaamac Dheeg Cartan

C/rashiid Ducaale Qanbi

Caaqil Warsame Caarshe Faarax

Cabdi Axmed Nuur

C/Nuur Maxamed Sugule

Ciise Maxamed Maxamud (Rawe)

Cismaan Xuseen Gurxan

10. Axmed Daahir Af-qarshe

 

11. Asad Jaamac Dheeg

 

12. Mustafe Xuseen Fu’aad

 

Dhamaaan Dadkan oo ka soo jeeda beesha Garaadka Geeriyooday  waxay Tacsi u dirayaan qoyska iyo Qaraabada Marxuumka, waxaanay Ilaaahay uga baryayaan in uu samir iyo Iimaan ka siiyo. Sidoo kale waxay Marxuumka illaahay uga baryayaan in uu Naxariistiisa jano ka waraabiyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here