Hargeysa(Hubaal) – Wariye Axmed Aadan Rooble oo ah Tifaftiraha Shabakadda Baligubadlemedia ayaa Saaka la soo taagay Maxakamada Hargeysa. Wariyaha ayaa maalintii Afraad ku xidhan Xarunta Hargeysa ee CID-da. Kiiska Wariyahan ayaa lagu sheegay Baahinta Warar khuseeya Caafimaadka Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Wasiirka Arimaha Gudaha oo BBC-da uga waramay Xadhiga Wariyaha ayaa sheegay in loo haysto Baahinta War Been Abuur ah oo ku saabsan Caafimaadka Madaxweyne Siilaanyo.
Shabakadda Baligubadle Media ayaa dhawaan Baahisay War sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo Xanuunsanayo, hase ahaatee Madaxweynaha oo arintaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu Caafimaad Qabo.
Madaxweynaha ayaa Warka laga baahiyay uga hadlay si Bilaa Turxaan ah islamarkaana sheegayay inuu Cafiyay Dadka waxaasi ka qoray ee Caafimaadkiis wax ka sheegay.
Ilaa hadda si dhab ah looma Oga inuu Madaxweyne Siilaanyo u xidhan yahay Wariye Axmed Rooble iyo in Masuuliyiinta kale ee Xukumaddu xidhatay.
Waxaa la sugayaa Waxa uu kala kulmo Bahda Caddaaladda Somaliland oo wakhtiyadii dambe la dhiilayay, iyadoo Xukunkii Wariyeyaasha Haatuf iyo Hubaal ee Kiisaskoodu Maxakamadda Galeen si wayn loo dhaliilay, laguna sheegay kuwo Caddaaladda ka fog.