“Laba-kaclayntii Somaliland baa loo baahan yahay, waanuna ka shaqaynaynaa arrintaasi in dood qaran oo loo wada dhan yahay aannu samayno”
Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa mar kale ku dhawaaqay inay qabanayaan dooddii qaran ee hore ay ugu baaqeen siyaasiyiinta madasha wadatashiga iyo xisbiyada mucaaradku, taas oo khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay kadib lagu heshiiyey in saddexda xisbi qaran oo Akademiga Nabadda iyo Horumarintu dhex u tahay qabtaan, balse aan iyaduna suurtogelin.
Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland marayso meel liidata oo loo baahan yahay in dadaal wayn loo galo, sidaasi darteedna la joogo waqtigii la qaban lahaa dooddii qaran.
“Dooddii maanta ayeynu u baahannahay oo ay taagantahay, markii hore waqti baa loo waayey, laakiin dooddii oo weliba ballaadhan oo ay ku jiraan qodobadaasi aan ka hadlayo ee arrimaha dibadda iyo sidii dalka dib loogu noolayn lahaa, laba-kaclayntii Somaliland baa loo baahan yahay, waanuna ka shaqaynaynaa arrintaasi in dood qaran oo loo wada dhan yahay aannu samayno,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe oo warbaahinta kula hadlayey madaarka diyaaradaha ee Hargeysa shalay kadib markii ka soo laabtay safar ugu maqnaa dalalka Mexico iyo Maraykanka.
Guddoomiyaha oo ay soo dhaweeyeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro, xildhibaanno Baarlamanka ka tirsan, masuuliyiinta xisbiga UCID iyo qaar ka mid ah taageerayaashiisa, waxa uu shirkiisa jaraa’id ka sheegay in la dayacay ballantii ka midho-dhalinta qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland oo aynu dib isugu noqotay gudaheenna, iyadoo ay jiraan dagaallo dibadda lagaga wado.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Dibadda waxa jira wax badan barobagaadho ah oo aan laga dabatagin, markaa dadaal wayn ayaa loo baahan yahay dibadda, waayo arrimihii dibaddu way taagan yihiin ee halkaynu marayno iyo halka aynu marinaynaa isma laha. Waxaynu noqonay dad isku jeeda xilkii ummadda loo hayeyna in la ilaaway ayaad moodaa, ballantii la qaaday ee ahayd inaynu qaran noqono oo aynu ictiraaf helno waa laga seexday, waxaanna hadda loo baahan yahay in la is abaabulo. Waxa aad inoola dagaalamaya maamulka Garoowe, gaar ahaana ninka la doortay ee Cabdiweli, isagoo shaqo ka dhigtay dacaayada Somaliland, markaa ninkaasi dagaal ayuu inagula jiraa waxaana loo baahan yahay in la baraarugo.”
Waxa kale oo uu ku baaqay in la joojiyo habka qabyaaladda ah ee looga hadlayo biyaha Hargeysa oo uu ku tilmaamay fadeexad keeni karta in mashruuca lagu ballaadhinayaa noqdo sidii warshadda Sibidhka ee Berbera ee baaba’day.
“Arrinta biyaha Hargeysa waa in laga daayo qabyaaladda, waana arrin farsamo, ummadda Somaliland meel kasta oo ay joogto waxay u baahan tahay biyo, masuuliyadduna waxay saaran tahay dawladda, mashruucaas waa laynagu caawiyey, haddii aan faraha laga qaadin oo aan loo dayn dadkii xilkaas lahaa waxay noqon doontaa sidii warshadii Sibidhka ee lagu heshiin waayey ee meesha ku baaba’day. Arrintaas waxaanu jecel nahay inaanu xisbi ahaan galno, waana in laga daayo telefishanadan qabyaaladda lagaga hadlayo, waxaan soo jeedin lahaa in laga mamnuuco arrintaas telefishanada oo Baarlamaamku soo saaro sharci joojinaya in telefishanada qabiil lagaga hadlo, wasiirrada abaabula ee salaadiinta yidhaahda hadla waxaanu leenahay ha joojiyaan arrimahani waa ceeb.”
“Waa in loo jeedsadaa inay doorashadu dhacdo oo ummada la mideeyo, haddii kale waxaynu ummadda ka galaynaa dambi wayn, maaha in ummadda been loo sheego oo waxaan loo qabanayn lagu maaweeliyo, masuuliyiinta iyo shacabka kama muuqato himilo loo jeedo oo ah in qaran lagu dhiso,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiye Faysal Cali-waraabe.