AKHRISO: Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Farriin Iyo Digniin Adag U Diray Shacabka Iyo Darawalada Gaadiidka Kala Duwan

0
39

Cadbillaahi Fadal oo ka xog-warramay hawlgalo boolisku ka sameeyeen caasimadda Hargeysa iyo baaqiisa la xidhiidha ammaanka maalmaha ciidda

 

“Waad arkaysaan in ciidanku hadh iyo habeen ay taagan yihiin dariiq walba, waxaasina waa siddii ay cadawga…” Taliyaha booliska Somaliland

Hargeysa (Hubaal)-Taliyaha Ciidanka Booliska ee Jamhuuriyadda Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa ku baaqay in amniga iyo nidaamka waddo-marinta la ilaaliyo maalmaha lagu jiro munaasibadda ciidul-fidriga.

Taliyaha-Booliska-Somaliland-Fadal

Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo waraysi siiyey qaar ka mid ah warbaahinta shalay, waxa uu digniin iyo farriin adag u diray darawada gaadiidka kala duwan, waxaannu yidhi;  “Maadaama ay ciid tahay waxaan halkan farriin uga dirayaa darawalada gawaadhida dadka reer Somaliland oo aan leeyahay waa inay ixtiraamaan sharciga iyo nidaamka waddo-marista, waxaan u soo jeedin lahaa inta aynu ku jirno maalmaha ciidda gaadhiga lagu qabto isaga oo yaal baarkin khalad ah in tallaabo laga qaadi doono, ciidanka taraafiga oo gacan ka helaya ciidanka Dawladda Hoose waxaan halka ka farayaa in cid kasta oo sharciga ku xad gudubta ay tallaabo ku haboon ka qadaan, waxaanan leeyahay shacabka sidaanu horeba idiinka barangay gacmo wadajir ayey waxa ku goyaane hawshiina dhankiina ammaanka ka suga, wax kasta oo aad ka shakidaana ciidanka u soo sheega.”

Waxa kale uu ciidanka booliska Somaliland ku amray in ay si aad ah u adkeeyeen ammaanka maalmaha lagu gudo jiro farxada ciida, waxaannu yidhi; “Ciidanka Somaliland waxa uu dhammaan heegan buuxa ugu jiraa ilaalinta nabadgalyada qaranka Somaliland si ay bulshadu ugu naalooto nabad iyo wanaag.” Isagoo intaas ku daray; “Waxaanan bulshada Somaliland uga dirayaa farriin ah inay ciidanka bilayska la shaqayaan sidii horeba looga bartay, dhammaan gobollada iyo degmooyinka Jamuuriyadda Somaliland ciidanka boolisku waxa ay ku jiraan heegan buuxa.”

 

Waxa kaloo taliyuhu ka hadlay hawlgamo muddooyinkii u dambeeyey ciidanka boolisku ka fuliyeen caasimadda Hargeysa, waxaannu yidhi; “Waad arkaysaan in ciidanku hadh iyo habeen ay taagan yihiin dariiq walba, waxaasina waa sidii ay cadowga fad-qallalada wada uga hortagi lahayeen, waxaanna waddooyinka ku arkaysaa gawaadhida 999-ka iyo gawaadhida maxaabiista la saaro oo iyaguna u taagan sidii tuugta loogu guri lahaa, waxa kaloo boolisku hawlgalo ay fuliyeen ku qabqabteen tuug iyo dhallinyaro rabashado sameeyey oo ammaanka wax u dhimaya, si fiican ayuuna boolisku u wataa hawshiisa, maalmaha ciidanka si gaar ah ayuu u shaqayn doonaa.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here