Waa koox xamaaliin ah oo Habkii Geelihii Berbera hees hawleed ka Turjumaysa arragtidooda la xidhiidha waayaha guud ee dalka isu jiibinaysa.
Waa Badhtamaha Hargeysa iyo shalay..Waxay ka hadlayaan oo murtidoodu u dhacaysaa markaad u fiirsato oo waaninayaan Xukuumadda. Waxaa ay is tuseen in Rinjiyaynta guryaha ay ka mudan tahay in dadka la dhiso, haddii aan si kale u dhigo waxaa ay la tahay in shaqooyin la abuuro oo nidaamka cadaalada ah ee lagu gaadhi karro sinaani ay fiicantahay, wax soo saarka dalka iyo caafimaadka oo laga shaqeeyo ayay muujiyeen inay ka mudan tahay wax kasta,…waxaa sidoo kale ka dhex-muuqda shirkadahan Macdanta oo ay ka wabinayaan wax-tarkoodu ha danbeeyee wax yeeladoodda..
Shacbigii riday
Riyaale eryee
Reerba reer baa
Lagu reeboo
Kamay raysane
Runtu ma fantaa…
Hoobeeya ayaa halqabsi mar walba u ahayd,. Hadba mid ayaa dhufanya oo marka mid Tuduc soo tuuraba ee hooriska la yimaadba mid kale ayaa soo galayay, waxay ahaayeen rag aan aftahamo ahaan liidan, welise isu qirin hoobalo. Mid tisqaad u muuqda oo kaligii loo jiibinayayna ma muuqan, sidaas oo ay tahay Xoogsatadan mid wal oo ka mid ahi Xaraf-raaca iyo macnaha ujeedada uu leeyahay kama lunsanayne toos buu u soo dhigayay.
Shirkad Raratoo
Macdan rahantiyo
Rinjiyayn gurri
Ruuxii baahnaa
Raasamaal iyo
Raaxo ma u noqon?..hoobeeyaa
Aad baa Qalinku u xiisaynayay weelaynta eraygoodda, sababtoo ah Xogta ugu muddan ee Wariye soo gudbiyaa waa Tabasho in bulshadda ka mid ah saameysay…Islamarkaana, aan ka soo fullin afka Weji ku macaash abaabulan oo danno siyaasi ah ama shaqsi ah leh.
Dad rafaad sani
Rikoodh dawliya
Rays aan jiriniyo
Beentoo raashina
U Riyaaqa leh
Miyay raacaan?
Dareenkan inta badan waxaa goobaha laga ogaaddo ka mid ah xarumaha ay garab raratadda maalin ku dirirka ahi ka xoogsatto. Kuwaasoo hanaan kala duwan isugu tabiya hadba waayaha la soo gudboonaada iyaggoon aad garato inay ka run sheegayaan noloshoodda oo naftu waramayso. Ma la dhisi kari waayay hal Biyo-Xidh ama Wershad wax soo saar ayaa hadalkoodda ku jirtay laakiin sidday u dhigayeen intii aanan haleelin ayay soo afjareen hawshii culayd oo qaybta ugu mudan ka ahayd curinta heeskooda waxaana erayadii ugu danbeeyay ee aan ka haleeyay ka mid ahaa.
Cod la raro iyo
Rubad goyntii
Ramaas ima geyn
Mana rajo xummin
Oo Raxmaan baa Jira
Qalinkii: Mustafe Sheekh Cumar