Hargeysa(Hubaal):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shaley xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliland Iyo Somaliya Mr:Niklos Kay oo labadii maal mood ee u danbeeyey socdaal ku joogay dalka Somaliland.
Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen ayaa markii uu soo idlaaday Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis waxaa uu warbaahinta uga warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen Madaxweyne Siilaanyo iyo Mr:Niklos Kay,waxaana uu sheegay in ay uga xogwarameen xaalada guud ee maanta u dalku ku sagan yahay,isaga oo carabka ku dhuftay in ay kala hadleen arrimaha hada ka taagan deegaanada barriga Somaliland ee Kooxda Khaatumo ay maamulka cusub ku samaysteen,isaga oo tilmaamay in Kooxdaas u arkaan koox rabshad ka dhex wada gudaha dalka Somaliland.
Md:Maxamed Biixi Yoonis waxaa uu sida oo kale sheegay in ay kala hadleen wadada hadaladii u socday Somaliland iyo Somaliya,maamulka Puntland iyo sida oo kale sidii ay haayadaha qaramada midoobay ay kaalin mugleh uga qeyb qaadan lahaayeen sidii ay Somaliland ay uga wax ugala qaban lahaayeen dhinacyada horumarka dalka.
“Maanta waxaa farxad weyn noo ah Ambassador Niklos Kay,waxaa yimi shaley Illaa maantana waa uu nala joogay,waxaa uu la kulmay Madaxweynaha Wasiiro fara badan,Guurtida iyo Wakiilada,waxaana uu sida oo kale la kulmi doonaa Axsaabta Ururada arrimaha Bulshada iyo Odayaal fara badan oo kala gadisan,waxa ugu horeeyey ee aanu kala hadal nay waxaa weeeye sidi Xidhiidho walaal tinimo ah ay Qaramada Midoobay iyo Somaliland ay u yeelan lahaayeen,Somaliland waxaa ka go’an in ay soo dhaweyso Haayadaha Caalamka una sharaxdo qadiyadeeda,Horumarkeeda,gooni isu taageeda iyo nabada meesha taala in Somaalida kale aanay meelna jirin,waxaanu Niklos kay u sharaxnay Wadanku halka uu maraayo,waanu ka hadalnay wada hadaladii ka socday Turkiga,waxaanu ka hadalnay Nabada,waxaanu kala hadalnay Khaatumo oo aanu u aragno in ay rabshad wado,qaramada midoobayna aanay Ictiraaf sanayn,waxaanu ka hadalnay Puntland,waxaanu ka hadalnay in Somaliland ay yihin dad jecel nabad iyo walaal tinimo iyo wanaag oo cid kasta kala wada hadli karta,jecelna in a wax kasta ku dhamayso wada hadal,waxaanu ka wada hadalnay sidii Haayadaha Qaramada midoobay Xafiiskiisa gaar ahaan kuwa Xaga horumarinta iyo samafalka u qaabilsan Haayada”Ayuu yidhi Md:Maxamed Biixi Yoonis
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:
“Sidaad la socotaana Niklas Kay isaga ayaa ka masuul ah Haayadaha halkan jooga oo dhan,maadaama Qaramada midoobay iyo Haayadahooda halkan jooga odhan uu ka masuul yahay barnaamijyadooda,waxaanu ka codsanay in ay nala shaqeeyaan in ay tobabaro na siiyaan,Tobaro Warbaahinta ah,Bani-Aadminimada,Shuruucda,Jinsiga iyo arrimo badan oo ku lug leh.markaa waxaanu qabnaa in ay ahaayeen Wadda hadalo aad iyo aad u fiican in ay ahaayeen”Ayuu ydihi Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland.
Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr:Niklos Kay oo isna halkaasi ka hadley ayaa waxaa uu yidhi:
“Waxaan wada yeelanay dood aad u muhiim ah,waxaanu wax badan ka ogaanay horumarka ay Somaliland samaysay iyo meelaha u baahan in wax laga qaban karo,waxaanu xaqiijinay sida qaramada midoobay iyo Xafiiska UNSOM horumarinta arrimaha muhiimada u leh Somaliland waan talaabo aad u muhiimsan”Ayuu yidhi Mr:Niklos Kay
Danjiraha Qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya ayaa socdaalkan uu dalka ku joogaa noqonayaa kii labaad ee dalka ku yimaado oo uu kulan sidan u balaadhan uu la qaato Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyada oo kii hore ee dalka uu ku yimi 13-June-2013,waxaana wakhtigaasi uu Madaxweyne Siilaanyo ku wargeliyey in arrimaha uu u socdaa aanay khusayn dalka Somaliland.