Hargeysa (Hubaal) golaha guurtidda somaliland ayaa maanta dib ugu celiyey xeerka diiwaangalinta madaniga iyo doorashooyinka kadib markii ay ogaadeen in qoddobada 7,25 iyo 26 aad aanay ahayn kuwii golaha wakiiladdu soo ansixiyeen.
Mudanayaasha golaha guurtidda ayaa Ku tilmaamay xeerka loo soo gudbiyey mid lagu soo guray qoddobo khiyaamo ah oo aan sax ahayn, waxaanay dibu celinta ku meel mariyeen cod. Golaha wakiiladda ayaa fasax ku jira, waxaanu qaadan doonaa xeerkani muddo dheer oo aan loogu talogalin haddii aan loogu yeedhin mudanayaasha fadhi aan Caadi ahayn.