AKHRISO: Dawladda Boqortooyada Sucuudiga Oo Baadhitaan Ku Haysa Imaamyo Masaajidada Ka Cambaarayn Waayey Weerrarada Al-Qaacida

0
30

Riyad (Hubaal)- Dawladda Boqortooyada Sucuudi Carabta, ayaa la sheegtay inay baadhitaan ku samaynayso imaamyada ilaa 17 masaajid oo ku yaal caasimadda Riyad, kuwaasoo lagu haysto inay  khubadbadaha salaaddii Jimcaha ee toddobaadkan ku cambaarayn waayeen weerarrada kooxaha sunniyiinta ah ee ISIS ka fuliyaan gudaha dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Sida lagu baahiyey wakaaladda wararka caalamiga ah ee Reuters oo warkan Jamhuuriya ka soo xigtay, dawladda Sucuudiga ayaa si gaar ah indhaha ugu haysta culimada masaajidada, siiba imaamyada, iyadoo la sheegay in baadhis lagu samayn doono 17 khadiib oo tujiya qaar ka mid ah masaajidada magaalada Riyaad, kadib markii ay khubadihii salaadda Jimcaha ku dhalleecayn waayeen weerarrada iyo qaraxyada kooxaha Al-qaacida, gaar ahaan kuwa sunniyiinta ee ISIS ka sameeyeen dalalka Ciraaq iyo Suuriya toddobaadkan.

masjid-sucudiga

“Imaamyada baadhis ayaa lagu samayn doonaa, iyadoo la doonayo in la ogaado sababaha ay ugu guuldarraysteen inay khubadahoodii Jimcaha kaga hadlaan, kuna eedeeyaan dhacdooyinka Ciraaq iyo Suuriya.” Sidaa waxa yidhi Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Islaamka ee Sucuudiga Sheekh Tawfiq Al-sudairi.

Ururka Al-qaacida ayaa hore weerarro kala duwan ugu qaaday gudaha dalka Sucuudiga, kuna dilay boqolaal qof, iyadoo arrintaasi sababtay in Boqortooyada Sucuudigu dagaal adag la gasho Al-qaacida iyo ururrada kale oo hoos taga.

Waxa kaloo dawladda Sucuudigu werwer ka qabtaa in kacdoonnada ka taagan dalalka Ciraaq iyo Suuriya ku fidaan waddankeeda, taasoo ay u dheer tahay shakiyo laga qabo in culimo xagjr ah ay gudaha dalkooda ka abaabulaan da’yar cusub oo rabshado iyo dhibaatooyin ka gaysta, iyadoo taasina sabab u tahay inay isha ku hayaan culimada masaajidada, si gaar ahna ula socdaan khudbadaha maalinta Jimcaha la jeediyo.

Al-qaacidada Jasiirrada Carabta oo fadhigeedu yahay gudaha dalka Yemen, ayaa bishan weerar ku qaaday magaalo u dhaw xadka, halkaasoo ay ku dileen afar askari oo ka mid ah ciidanka ilaalada xuduudka ee dalkaas.

Dagaalyahannada Sunniga ah ee ISIS, ayaa la sheegay inay ehelkooda ugu baaqeen inay ka baxaan dalalka Sucuudiga, maadaama ay qorshaynayaan inay dalkaas weerar ku qaadaan, balse Wasaaradda Warfaafinta ee Sucuudiga, ayaa sheegtay in xadka dalkeedu ammaan yahay, isla markaana aanay waxba ka jirin wararka sheegay in dagaalyahannada ISIS qorshaynayaan weerar ay gudaha dalkooda ku qaadaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here