Uganda (Hubaal) — Kooxo hubeysan ayaa 17-qof ku dilay weerarro isku mid ah oo ay ku qaadeen Sabtidii doraad saldhigyo booliiska iyo milarriga Uganda ay ku leeyihiin galbeedka dalka Uganda, halkaasoo saraakiil milateriga Uganda ka tirsan ay sheegeen inay tahay goob ay ku sugan yihiin xoogag Islaamiyiin ah.
Afhayeenka milateriga Uganda, Paddy Ankunda ayaa sheegay in 17-qof ee la dilay ay ku jiraan saddex askari oo booliis ah iyo shan ka tirsan milateriga Uganda. Isagoo xusay in 41 ruux oo ka mid ah kooxihii weerarkaas qaaday la dilay, halka 12 kalena gacnta lagu dhigay.
Dableydan ayuu sheegay inay ka tirsan yihiin xoogag ka dagaalanta gudaha Uganda oo xidhiidh la leh kooxda ADF-NALU. Isagoo xusay inay dhibaatooyin badan ka geysteen Uganda intii u dhexeysay sannadihii 1990-kii illaa 2000 ka hor intii aan laga adkaan ee aanay u cararin gudaha dalka DR Congo oo daris la ah Uganda. “Waxaanu la soconnaa in kooxdan ay yihiin kuwo ku dhismay ujeeddooyin ay iyagu aamisan yihiin oo gaar ah, balse aanay ahayn kuwo shaqeynaya” ayuu yidhi Ankunda.
Paddy Ankunda wuxuu hadalkiisa ku daray. “Waxaanu su’aalo weydiinaynaa kuwa aan qabannay, waxaanan rajeynaynaa inaan ka ogaan doonno cidda ka dambeysa weerarradaas.”
Kooxahan hubeysan ee weerarka soo qaaday ayaa waxay 13-qof oo kuwa fudud ah ka qaateen saldhigyadii ay weerareen, ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka milateriga Uganda.
Dowladda Uganda ayaa waxay muddo ka walaacsanayd weerarro kooxda ADF-NALU oo ku sugan bariga dalka DR Congo ay weerarro kusoo qaadaan ceelasha shidaalka laga soo saarayo ee ku yaalla deegaanka Rift Basin oo ay howshooda waddo shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo CNOOC.