Hargeysa(Hubaal)-Wafti Balaadhan Oo uu Hogaaminaayey Suldaanka Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre oo ay weheliyeen Gudoomiyaha Degmada Sabawanaag Mr. Cali Hugur Galabiyo Gudoomiyihii hore ee Degmada Mr.Daa’uud Maxamed Cali iyo Dhalinyaro iyo Aqoonyahan badan oo degmada u dhashay ayaa kormeer ay ugu kuur-galaayeen xaalada Degmada Sabawanaag kusoo maray dhamaan tuulooyinka ay ka kooban tahay degmadu.
Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre ayaa sidoo kale Daderynaha ku nool Degmada Tuulo Tuulo ugu Qaybiyey Timir uu ugu talo inay ku soomaan bisha Ramadaan ee dhawaanta fooda inagu soo haysa
Safarkan Waftiga Suldaanka oo ahaa mid ay ugu kuur-galaayeen xaalada nololeed iyo amni iyo waxbarasho ee bulshada ku nool degmadan oo ay waftigu dhamaan tuulooyinka degmada mid mid usoo mareen ayaa waxa gabagabadii Suldaanka Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre uu dhagax-dhigay Saldhiga Booliska Ee Degmada oo uu Kharaskiisa bixiyey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) taasoo dadweynaha degmaduna si weyn ugu farxeen dhagax dhigiisa iyo sidoo kale caawimada iyo safarka waftiga Suldaanka