Akhri: Sheekh Daaci  Ah Oo Shaaciyey In  Qiimaha Ramadaanta Awgeed Uu Qofka Joojiyey Qiijinta Sigaarka   Siin doono Abaal Marin Qaali Ah

0
37

Sheekha Daaciga wayn ee diinta Islaamka aadka loogu yaqanaaqo dhalashadiisuna Sucuudiga tahay, Dr. Maxamed Carifi Ayaa sheegay in tartan sigaar joojinta ah uu bisha Ramadan u qabanayo, dadka danaynaya inay iska joojiyaan balwadaas, waxaanu tilmaamay in abaal marin wayn uu siin doono qof kasta oo tartankaas ku guulaysta, kana dhabeeya oo inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan.

Telefishanka CNN- oo warkan baahiyay ayaa sheegay in Sheekhaas Daaciga wayn ee Sucuudiga ahi, soo bandhigay figrad wanaagsan, balse uu noqonay tartan aad u adag oo sida looga bixi karaa dhib badan tahay, waxaanu telefishanku warbixintiisa ku sheegay in wakhtiga afurka ka dib ay aad ugu adag tahay dadka sigaarka qiijiya inay sii fadhiyaan iyagoo aan budh ka siin xabad sigaar ah.

DaaciSheekha ayaa bogiisa Twitter-ka, soo dhigay qoraal uu ku sheegay inuu qabanayo tartan dadka sigaarka caba dhex mari doona, kaas oo la xidhiidha in bisha Barakaysan ee Ramadan ay ku tartamaan joojinta sigaarka, waxaanu sheegay in tartame kasta oo ku guulaysta inuu joojiyo sigaarka bisha Ramadan oo dhan inta lagu jiro, uu siin doono abaal marin wayn oo farxad galin doonta.

Sheekha ayaa shaki ka muujiyay sida tartamayaasha loo hubin karo inta tartanku socdo in aanu xad gudub samayn ama ku adkaystay mawqifkiisa, waxaanu tartamayaasha diyaarka ah ka codsaday in damiirkooda ay kala soo tashadaan, cida gaadhka ka noqonaysaana tahay damiirkooda iyo haddii cid kale ku gargaarayso.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here