AKHRI: Magacyada Guddi Heer Qaran Oo Ka Kooban 11 Xubnood Oo Madaxweyne Siilaanyo U Magacaabay Qaban-Qaabada Xuska 18-Ka May

0
33

Hargeysa (Hubaal) Madaxweyne Siilaanyo ayaa magacaabay Guddi heer qaran ah oo ka kooban 11 xunood Qaban-qaabada xuska 18 May oo ah maalintii ay Somaliland madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalkii Somalia,waxaana uu madaxweynuhu guddidan guddoomiye uga dhigay wasiirka arrimaha guddaha Somaliland,waxaana sidan lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay aqalka madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay xoghayaha xafiiska warbaahinta oo u dhiganaa sidan:

Madaxweyne_Siilaanyo2013Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-3185/042015 ku magacaabay Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May, oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye)                                   

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda                                                        

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare                                           

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka                             

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

Ku:       Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-Miyiga          

Ku:       Duqa Caasimadda Hargeysa                                                               

Ku:       Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada                                        

Ku:       Guddoomiyaha Guddida Xuquuqul Aadamaha                                               

Ku:       Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac                                               

Ku:       Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)                                  

Ujeeddo:          Magacaabid Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska sannad guuradda 24aad ee maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah.

Sidaa darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 24aad ee maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qarannimo iska saari doonaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan ka rajaynayaa in ay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha Gaarka ah ee Saxaafada  Madaxtooyada JSL.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here