Hargeysa (Hubaal)- wiil dhalinyaro ah oo dhawr iyo toban jir ah ayaa ku Geeriyooday Biriishka Xayramaadle oo ku yaalla Duleedka Tuullada Hudisa ee Gobolka Saaxil.
Biriishkan oo in badan Go’naa isla markaan u baahan wax yar oo dayactir ah isla markana ah wado xidhiidhisa Gobollada dalka, ayaa marxuumku ku geeriyooday kadib markii uu ka shalwaday Bohor weyn oo dhexdiisa ka samaysan.
Shilkan Oo ayaa La weriyey In uu dhacay kadib markii Marxuumka iyo da’yar uu la socday oo deegaanka ahi iyaga oo baratan dheelaya uu ku beegmay daloolka biriishka halkaasna uu ka dhacay.
Biriishkan ayaa qayb ka ah dayac tir muhiim ah oo ay u baahan tahay waddada isku xidha magaalada Berbera iyo gobollada kale ee bariga, gaar ahaanna dawga Sheekh, waxaana biriishkani ka mid yahay meelaha daruuriga ah ee ay tahay in la hagaajiyo, iyadoo ay Gaadiidku markay wadadaas adeegsanayaan marka ay soo gaadhaan bohoshan uga degaan dhinaca rafka, arrintaasina waxa ay halis ku tahay isu socdka gaadiidka iyo waliba dadka socotada ah ee iyagu war moogaha ah,
Ma aha markii koowaad ee ay buundadan Go,an uu kasaare ka yimaado ee siday dad degaanka ahi ii sheegeen waxa hore khasaare uga soo gaadhay gaadiid wadada marayay oo dhinaca dooxa kasoo dasdku khasaare gaadhsiiyay.