AKHRI: Boqor Buurmadow oo ka Sheekeeyey Astaamo Yididiilo ku dhaliyey oo uu kala Kulmay Cali Khaliif iyo Wax-garadka Buuhoodle oo Shirar Dhex-mareen

0
26

Hargeysa, (Hubaal)- Boqor Cismaan Aw-Maxamuud oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa dhowaan magaalada Buuhoodle u tagay Aaska Marxuum Garaad Cabdilaahi Garaad Soofe oo magaaladaas ku geeriyooday dhowaan, ayaa kulamo la qaatay madax-dhaqameed deegaanka iyo siyaasiyiin uu ka mid yahay Cali Khaliif Gallaydh oo ka tirsan Kooxda la baxda Khaatumo.

Boqor Cismaan aw-Maxamuud waxa uu sheegay inuu kala hadlay isu-soo-dhawayn iyo tanaasulaad uu ergo ahaan ugu jeediyey inay ka tanaasulaan marxladda ay ku sugan yihiin iyo colaadda dhiiggu ku daadanayo ee ay ka dhex-wadaan shacabka deegaanka, isla markaana ay la qaateen wixii ay u soo bandhigeen.

buur madow

Waxa uu Boqor Cismaan sheegay inay dhinacooda siyaasadda uu hoggaaminayey Cali Khaliif ay u soo bandhigeen qodobbo dhowr ah oo aragti ahaan ay aaminsan yihiin in lagu dhalin karo isu-soo-dhawaynta shacabka deegaanka iyo nabad-ku-wada noolaan, iyaguna dhinacooda ay ka garaabeen.

“Cali Khaliif iyo raggii la socday waanu is-aragnay, kulamo fara-badan baanu wada-yeelanay. Muhiimadda waxaanu ka hadallay, waxay ahayd Marka hore Ergo iyo Nabadi ma suuroobi karto meel colaadi ka taagantahay. In marka hore xabbad-joojin iyo nabad laga shaqeeyo, wixii laysugu yimaaddo ee nabadda ku saabsan in laga daayo middi-middi ku taag. Xukuumadda Somaliland waanu kula talinay in mar walba xabbad xal aanay noqonayn, caqligu inuu shaqeeyo. Waxaan filayaa Xukuumadda Somaliland iyada laftigeeda iyada way ka go’an tahay,” ayuu yidhi Boqor Cismaan aw-Maxamuud oo u warramay qaar ka mid ah warbaahinta.

Waxa uu xusay ad-adayg iyo qalafsanaan ay bilowgii kulankaas ka kulmeen Cali Khaliif balse markii dambe ay ku guulaysteen inay ku qanciyaan ujeeddada socdaalkoodu yahay, waxaanu yidhi, “Qolada Khaatumo waa niman Jabhadoobay oo markii hore hadalkoodu cadhadii xukuumadda lagula dhacayey ahaayeen, laakiin markii aanu nidhi anagu odayaal Ulo iska sita ayaanu nahay, xukuumaddiina ma nihin, xaggaasna culays baanu saari karnaa, idinkana culaysbaanu idin saari karnaa, arrinkii wuu soo degay, si fiican baanu u wada-hadallay. Runtii waxaan odhan karaa iyaga laftigoodu, Cali Khaliif iyo raggaasi, waa rag waayo-arag ah oo dhibaatadu u muuqan karto hadday colaado dhacaan waxa ka iman kara,  waa rag aan ka fogeyn wada-hadal iyo nabad, laakiin hadda xaaladda ay taagan yahay, jewigani wuxuu u baahan yahay maaha mid qolo kaliya dabcin karto, xagga xukuumaddana in la dabciyo ayay u baahan tahay, xaggoodana in la dabciyo ayay u baahan tahay, wado-hadal ayay u baahan tahay.”

“Waxyaabihii aanu ka wada-hadalnay ee ay nabad u iman karto waxbay noo tilmaameen, wax badan oo maquul ah ayaanu kala kulanney, dulqaad faro-badan iyo rag waayo-aragnimo bisilbaanu ku aragnay. Rag colaadna u taagan, nabad-na hadday arkaan qaadanaya oo aan diidannay waxay ku imanayso, waxay gar u leeyihiinna doonaya inaanay cidna uga tanaasulin bay u ekaayeen,” ayuu hadalkiisa intaas ku daray.

Boqor Cismaan Buur-madow isaga oo ka shidaal qaadanaya natiijada uga soo baxday Kulanka dhexmaray Cali Khaliif, waxa uu iftiimiye qodobbo ay madax-dhaqameed ahaan uga duulayaan isu-soo-dhawaynta iyo nabad-ku-wada noolaanshiyaha shacabka iyo Xukuumaddaba.

“Annagu waxaanu u aragnaa dadku inay isku mid yihiin, wanaagguna aanu ku imanayn ciidan, cabbudhin iyo xabbad. Waan uga mahad-naqayaa Cali Khaliif iyo Odayaashii aanu kulannay iyo sidii aragtidooda aanu ka qaadannay, waxaananu u sheegnay inay xaggooda xakameeyaan colaadda, annaguna aanu xukuumadda culays ku saarnaa, waxaan odhan karaa calaamado fiican baa noo muuqday, calaamadahaana wixii aanu kala kulanno marka madaxweynuhu soo noqdo waanu ka hawl-geli doonaa,” ayuu yidhi Boqor Cismaan.

Waxa kale oo uu xusay kulamo dhexmaray Garaaddada iyo Cuqaasha gobolka Buuhoodle, kuwaas oo ay kaga wada-hadleen in lagu sii amba-qaado gogol-nabadeed oo madaxweynaha Somaliland hore ugu fidiyey wax-garadka deegaankaas, haseyeeshee waxa uu iftiimiyey tabasho ay wax-garadka iyo madax-dhaqameedku ka muujiyeen gogol-nabadeed oo xukuumaddu maamulkeeda yeelato, balse markii dambe ay isla qaateen tabaabushaha gogoshaas nabadeed looga wareego dhinaca dhaqanka iyo beelaha deriska ah ee Qorulugud iyo Buuhoodle.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here