AKHRI: Aragtida Garyaqaan Axmed Gurruuje “7 Tallaabo Oo Aan Qaadi Lahaa , Haddaan Madaxwayne Noqdo”– WQ: Axmed Nuur Guruje

0
24

1- Xaqiijinta kala madax banaanaaanta haayadaha dawladda , si arrintani u suurta gasho , waxaan Madaxbanaani buuxda siin lahaa , Garsoorka , golayaashana waxaan u sahli lahaa xil gudashadooda /

2- Xoogaynta Haayadaha Madaxa banaan ee dawladda , si arrintaasi u hirgashana , haayadaha kala ah : Baanka dhexe , Xeer-ilaalinta guud , Hanti dhawrka guud , iyo Xisaabiyaha guud , waxaan ka dhigi lahaa inay ku yimaadaan Imtixaan guud oo banaan yaalla , mudda xil-hayntooda iyo xasaanadoodana waxaan u qorshayn lahaa xeeer usiinaya xornimo buuxda xil-gudashadooda , iyagoo waqtiggoodana aan jeclaan lahaa inuu noqdo 7 sanno ugu yaraan .

3- Ilaalinta shaqada dawladda iyo daryeelka shaqaalaha , si arintani u hirgasho , shaqadda dawladda waxaan ka dhigi lahaa , 7 subaxnimo ilaaa 5 galabnimo , shaqaalahana waxaan , u damaanad qaaddi lahaa , sinaan , Xushmad iyo xanaano buuxda .

4- Hagaajinta Adeegyadda bulshadda , si arintani u suurta gasho , waxaan samayn lahaa , siyaasadda daryeelka bulshadda iyo horumarinta oo ku salaysan , Cadaalad iyo aqoon .

5- Tayaynta Haayadaha Amnigga , waxaan dib u habayn ku samayn lahaa , haayadaha Amaaanka , si taasi u suurta gashana , Ciidanka Booliska waxaan u badali lahaa, Haayada booliska ( Police Authorithy) , waxaanan madax uga dhigi lahaaa , Sarkaal shiciba , iyo laba gacan yarre oo ka kaalmeeya , Hawl-gelinta iyo maamulka oo kala yimaadda Bulshada iyo ciidamadda .

1292135_10201791816137383_729147516_o6- kordhinta wax soosaarka iyo cilmi baadhista , waxaan ku dadaali lahaa in bulshaddu ku tiirsanaato wax soo saarkeedda , si taasi u suurta gashana waxaan samahn lahaa , Siyaasad cad oo ah , Ka wada qayb galka kordhinta wax soo saarka ( Holistic Approach ) si taasi u suurta gashana waxaan caynaanka udhiiba lahaa , aqoon yahanadda ku takhasusay iyo khubaradda ku xeesha dheer , anigo isla barbar taagi lahaa taageero hagar la’aana .

7- La dagaalanka Cadaalad darada , Musuq-maasuqa iyo Maamul xumidda , si loo hello dawlad hagaagsan waxaan lagama maarmaana hirgelinta iyo rumaynta qodobkan , sidaaa daraadeed , waxaan kartidayda iyo aqoontayda iyo dadaalkayga isagu gayn lahaa fulinta qodobkan , anigo hirgelin lahaa , Ku dhaqanka sharciga iyo sarayntiisa , Daaah-furaanta , Xisaabtan joogto ah , si taa loo helana waxaan ka bilaaabi lahaa naftayda , sidaa daraadeed , , 6 biloodba waxaan , xeer ka dhigi lahaaa in si la wada arkayo , Hanti dhawrka , haayadaha la dagaalanka muumul xumidda iyo saaxafadduu iigu sameeyaan baadhitaan gun iyo baaarra , iyagoo u haysta shaqadooda xornimo buuxda .

Waa Hankayga iyo Himiladayda qofnimo iyo Mabaadidaa aan aaminsanahay qof ahaan .

Waa qallinkii:  Axmed Nuur Guruje

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here