Akaademiyada Nabada Iyo Horumarinta Somaliland Oo Shir Ku Saabsan Arrimaha Dhulka U Qabatay Wasaaradaha Ay Khusayso

0
45

Hargeysa (Hubaal) Akadamiyada Nabada Iyo Hor’umarinta Somaliland Ayaa SHir Ku Saabsan Arimaha Dhulka U Qabatay Wasaaradaha Ay Khusayso Arimaha Dhulku,kuwaas oo kala ah; Wasaarada Arimaha Guddaha , W.Beeraha, W.Xanaanada Xoolaha, W.Macadanta Iyo Tamarta, W.Deegaanka , W.Biyaha, W.Qorshaynta Qaranka ,Gudi Hoosaadka Arimaha Dhulka Ee Golaha Wakiilada Hayada Un Habitate .

Daraasad ay in muddo ahba waday akadamiyada nabada ayaa waxay ku ogaadeen sida loogu baahan yahay in xeer loo sameeyo dhulka.

shirka akademigawaxaa ugu horayn shirkaas ka hadlay Gudoomiyaha Akadamiyada Nabada Iyo Hor’umarinta Mudane Maxamed Faarax kuna dheeraaday Faa’iidada uu leeyahay shirkani .

Waxaa kale oo shirkan ka hadlay qaar ka tirsan Wasiirada wasaaradaha Ay khusayso arimahan.

waxaa kale oo la soo jeediyay in la dhaqan galiyo xeerkii uu madaxwaynuhu saxeexay. iyada oo goobtaas Guddi Arimaha Sii Daraasaysay lagu sameeyay .

Shirkan Oo Ahaa Mid Aan Noociisa Hore Loogu Qaban Wadanka , Daraasadan oo aad muhiim ugu ahayd wadanka , Sidan la socono waxaa muddooyinkii danbe dalka ka jiray Mashaaklo Xaga Dhulka Ka yimaada Kaas OO SABABA Iska Hor’imaad.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here