Agaasimaha Guud Ee Caafimaadka Oo Diiday Inuu Ka Hadlo Natiijada Kulan Shan Maalmood Boorama Uga Socday

0
27

agaasimaha-Guud-ee-Wasaarada-CaafimaadkaBoorama, (Hubaal) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo kulanno iyo casuumado shan maalmood Boorama uga socday iyaga, madaxda hay’adaha caalamiga ee la shaqeeya iyo Wasaaradda Qorsheynta, kaasoo shalay lagu soo gunaanaday Huteel Rays.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, kulankan oo aan saxaafadda loo oggolaan gunaanadkiisii, ayaa dhinaca kale Agaasimaha Guud ee wasaaraddaasi si cad Warbaahinta ugu sheegay inaanu wax tafaasiil ah ka bixinaynin markii ay weydiiyeen waxa uu kulankaasi ku saabsanaa.

Dhinaca kale xidhiidhka ka dhexeeya xarunta wasaaradda Caafimaadka ee maamulka Caafimaadka ee gobolka Awdal ayaa sii xumaaday kaddib markii sida muuqata isu-duwaha wasaaradda ee gobolku bannaanka uga soo baxayey kulamadaasi, isla markaana kulan gaar ah oo ay huteelka shirku ka socday ku yeesheen isaga iyo masuuliyiin ka socotay wasaaraddaasi uu si cadho leh uga soo baxay farahana ku fiiqayey Agaasimaha Guud, iyadoo mar uu weriyaha Saxafi uu arrimahaas wax ka weydiiyay Isu-duwaha Caafimaadka uu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo.

Hase yeeshee, warar ku dhaw-dhaw Isu-duwaha iyo wasaaradda ayaa sheegeya inuu Isu-duwaha Caafimaadku ka cadhooday jawaab la’aanta madaxda wasaaradda Caafimaadka ee ku saabsan adeegyada caafimaadka ee Cusbitaalka guud ee Boorama iyo daryeel la’aan shaqaalaha, wareejinta mashaariic Caafimaad oo laga fulin lahaa gobolka loo wareejiyey gobolka Sool, iyo arrimo kale oo waayadanba saameeyey adeegyada caafimaadka gobolka oo la dhegeysan waayey Isu-duwaha.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here