Afhayeenka Xisbiga Ucid Ee G.Togdheer Oo Safarka Madaxweynaha ku macneeyey Kaambayn aan Waqtigiisii Joogin

0
28

War-Saxaafadeed Ujeddo:Socdaalka Madaxweynahu Waa Ollale  Aan wakhtigiisi joogin .

Afhayeenka Xisbiga Ucid Ee G.Togdheer Ahna Xoghayaha-War-FaafintaMukhtaar Mahamed Jama X Diiriye(M Nadaara)

 ucid

Waxaay Bulshadda Soomaliland Wadda Ogsoontahay Socdaalka Uu Madaxweynuhu Ku maraayaay Goboladda soomaliland ,Haddana Uu Ku Suganyahay Deegaano hoos yimaadda G.Togdheer,oo uu joogay Habeen u danbeeyaay,Runtii waxaa iswaydiin mudan muxuu daaranyahay Safarkan madaxweynuhu oo ay xukuumadiisu ku macnaysay in madaxweynuhu ukuur gallo xaaladda Dalka.

Xaqiiqaddii Jawaabta dhabtaa sidaa maah waana Erayo lagu Dejinaayo Quluubta Shacabka ,lkn jawaabta Dhabtaa waxa weeye ‘’Kanbayn Aan Xiligiisii Joogin,,iyo Ka Maquurasho Ku wareerka Hanaankii Dawladnimo Oo ay Ku Fashilmeen ,iyo Indho sarcaad ay bulshadda ku Maddo daalinayaan Safarkan.

Sidaa Darteed Safarkan Uu Hadda Madaxweynuhu Ku Joogo G.Togdheer Waxaanu UAragnaa Wax-tarkii,Awoodii,Kaalintii Madaxweyne Siilayo iyo Wasiiradiisu Inay Dhaafi wayday  Inay Kuwareeren Hab-Maamulkii ,Hanaankii ,Hiigsigii iyo Himiladii Dalka inay Ka Soo bixi kariwaayeen Oo ay Kagga Mashquuleen Dalxiis.

Su,aal iswaydiin Mudan Haddii ay Ukuur-gelayaan Xalaadda Dalka Maxay Ugga Hadliwaayeen Xad gudubka ay Xuduudeena ku Soo Samaynayaan Waftiga Uu Hogaaminayo Madax-weyne ku xigeen Maamulka Putland Oo ku soo dhowaaday Magaaladda Qoru-lugud  oo ay u dhawyihiin Weftiga Madaxweyne Siilaanyo.

Canbaarayn:Waxaanu Canbaaraynaynaa Waftiga Uu Hogaaminayo Madax-weyne ku xigeen Maamulka Putland Oo ku soo dhowaaday Magaaladda Qoru-lugud ,waxanaan leenahay Aarintaasi Waa Daan –Daansi Siyaasadeed Oo Uu Waddo Maamulka Putland,Waxnaan Xasuusinaynaa inay Goobahaasi yihiin Dhul ka Tirsan Soomaliland.

Guntii-Gebo Gebaddii: Waxaan Shacabka Reer Soomaliland iyo Reer Togdheerba ka Codsanayaa inay ilaashadaan,Xuduudahooda,iyo Nabad Gelyadooda.

Afhayeenka Xisbiga Ucid Ee G.Togdheer Ahna Xoghayaha-War-Faafinta Mukhtaar Mahamed Jama X Diiriye  (M.Nadaara)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here