Hargeysa (Dhamays/Hubaal) – Alle ha u naxariiste Abwaanadii weynayd ee reer Somaliland Nimco Aadan Hurre (Nimco Gabaydo) ayaa galabta ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.
Marxuumadda ayaa muddo sanad ku dhow xanuun u jiiftay Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, halkaasi oo galabta uu xaqa ILAAHAY ugu yimid isla-markaana ku geeriyootay.
Nimco Gabeydo oo ka mid ahayd hal-abuurrada da’da yar ee reer Somaliland, ayaa lagu xasuustaa Maansooyin badan oo ay hal-abuurtay, kuwaasi oo uu ugu dambeeyay Maanso kooban oo ay ugu baroor diiqdey Alle ha u wada naxariistee Xoghayihii ururka SOLJA, Maxruum Maxamed Rashiid Muxumed Faarax.