Abwaan Sacad Axmed Xasan-Roodhiile‏ Oo Gabay Ugu Baroor-Diiqay Diiriye Boobe Yusuf Ducaale

0
39

GABAY DUCO BAROOR-DIIQ

Magaca: Buhaankii lawada raacsanaa

Gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile oo ugu baroor-diiqaya marxuum Diiriye oo Boobe yuusuf ducaale aabo u ahaa, kuna geeriyooday magaaladda Djibouti oo caafimaad loogeyey, taariikhda 28/3/2015ka.

 baroordiiq

Bogga fayska-buug goor dhexgalay, aniga oo booqday

Bilowgii ogaalkay badqabid, naxay war kaa baase

Baarrigii ilaah oofsadiyo, beerki kugu yaaley

Boobow adduun belo jirtaan, ruuxna baal marine

Amba baarax uma ladin hurdada, maalintu baxaye

Si uun bay barkimodii ahayd, soo baraarugiye

Si uun baan bullaalow ahaa, baahsan oo wadhane

Si uun baan cabdow baal u qoyey, balaf anoo mooday

Boobe oo safaarigi xidhna, ma i bildhaamaayey!

Xusuusta qalbigu soo burqaday, belel dareenkayga

Ba’da gabay bisinka aan cuskaday, ducada oo buuran

Baroor-diiq tacsidan aan baxshiyo, beladan loo joogo

Baxsan hooyadiisii jeclayd, samirka waa beere

Barbaartana intaa nool ilaah, beri ha noo daayo

Cawil khayr leh rabbow noo bedela, nagu bannaanaaye

Buuggiyo qoraalkaan arkaba, boobe sumadiisa

Sow boos qalbiga aan ka dhigo, iguma biiraayo

Barbaartuna sidoo kale ayay, tahay bahdaydiiye

Adna beydadkaad marisay baa, boog isii qodaye

Goortaan xusuustaba boggay, talo miyeey baahday

Bariidiyo xidhiidhki bulshadda, boholyow saaxiibo

Buhaankii lawada raacsana, baaxaddii maqane

Diiriyana  barwaaqada ilaah, waa bustaan gudhine

Badhtankii jannada midho ku yaal,  toggaga oo buuxa

Yaa baari qabrigii u nuur, deeq adaa bixine

Baryadaada kama caajisnee, waa bushaarada e

Barkhad iyo wanaag lagu galbiye, barakadii eebbe

Caalaamka barsaqa caadilkeen, kugu badhaadhsiiye

Adiga oo gugaagii badnayn , mawdkan kula booday

Adduun bilicdi way gaaban tee, aakhiro badbaado

Alle ha u naxariisto, Aamin aamin

INAA LILAAHI WA INAA ILAAHU RAAJICUUN

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here