HALKAN KA AKHRI: Faallo Sawir Buuxa Ka Bixinaysa Dood Ka Taagan Kulankii Dhexmaray Madaxweyne Siillaanyo Iyo Salaadiin Reer Awdal Ah, Dalabka Labada Dhinac Iyo Doorka Siyaasiyiinta
Ku dhawaad dhawr iyo labaatan xubnood oo ka mid ah hoggaamiye-dhaqameedyo ka soo jeeda beelaha Samarroon ee dega gobolada galbeedka ayaa Tobankii cishee u dembeeyey ku sugan caasimadda Hargeysa, kana dhur-sugaya dalab ay u gudbiyeen Madaxweyne Siillaanyo, kaas oo nuxurkiisu ku qotomo fulinta iyo dib-u-eegista tabashooyin intii Somaliland jirtayba dadweynaha iyo iyaguba ku taamayeen inay maalin uun ka helaan xukuumadda Somaliland,
Safarka hoggaamaiye-dhaqameedyada reer Awdal ku tegeen caasimadda ama Madaxtooyada dalka ayaa ka dambeeyey marti-qaad ay Madaxweynaha ka heleen wakhti uu Boorama kaga qaybgalayey qalin-jabintii Jaamacadda Cammuud ee u dambaysay, kaddib markii ay Madaxweynaha iyo weftigiisa u suurta-geli weyday inay tabashooyinka caynkan ah ay Boorama kaga wada hadlaan, waxayna wararku sheegeyaan in ay hoggaamiye-dhaqameedyadu markii tegeen Hargeysa maalin kaddib ay Madaxweynaha isku arkeen Madaxtooyada, Madaxweynahana u dhiibeen qoraal ka kooban 11 bog, , kana dalbadeen inuu degdeg jawaab uga siiyo, hase yeeshee Madaxweynuhu madaxdhaqameedyadaasi ku qanciyey inay siiyaan wakhti uu kaga baaraandego qoraalkooda, balse aanay madax-dhaqameedyadaasi ku qancin jabwaabta Madaxweynaha, kuna adkaysteen inay sii joogaan inta jawaab qancisa laga helayo Madaxtooyada, iyadoo arrintani keentay in Madaxweyne Siillaanyo ka biyo diiday shuruudaha odayaasha reer Awdal ku xidheen kaddibna uu socdaal ugu kicitimay magaalada Berbera.
Haddaba marka dib loo raaco taariikhda dalka, weligeedba way jireen tabashooyin madax-dhaqameedyadu u sheegan jireen Madaxweynayaashii dalka soo maray, wayna iska tegi jireen iyagoo raalli ka ah madaxdii dalka, balse may dhicin tabashooyin shuruudo lagu xidhay, hanjabaado la socdaan sida lagu baahiyey shabakadaha reer Awdal ee debedaha laga xukumo, iyo qoraallo intaa le’eg oo cid kastoo akhrisatana kicinaya dareenkooda, waxayna tani keentay in Madaxweyne Siillaanyo liqi waayo waxa kaga yimi madaxdhaqameedyada reer Awdal oo uu ka filayey wax ka duwan tan ay la yimaaddeen, wuxuuna arrinkaasi markiiba taabtay siyaasiyiinta gobolka Awdal ka joogta ama kaga jirta xukuumadda oo markiiba bilaabay hadallo iyo farriimo ay ku qaboojinayaan odayaasha balse ku guuldarraystay inay odayaasha dib ugu soo celiyaan gobolka ay ka yimaaddeen, kana dhursugaan jawaabta Madaxweynaha. Waxayna arrintani durba shaki kala gelisay siyaasiyiinta iyo hoggaamiye-dhaqameedyada gobolka, kuwaas oo ay ahayd inay mawqif mideysan ula tagaan Madaxweynaha, waxna laga beddelo siiqada loo dhigay tabashooyinkaasi, taas oo la mid ah hadallo inta badan laga maqli jiray qurba-joogga reer Awdal ee sheegta ama sheegan jiray madaxda maamul goboleedka aan jirin ee Awdal State, kuwaas oo qaar ka mid ahi ku sugan yihiin Boorama, xubno ka tirsan weftigii Madaxweynahana ay Boorama isku arkeen.
Madax-dhaqameedyada gobolka Awdal ayaa sida muuqatay laftoodu aan aragti siyaasadeed oo mideysan ku tegin caasimadda, isla markaana aan u dhammayn, qaar ka mid ahina ka baaqdeen inay ka mid noqdaan weftiga. Waxa kale oo jira in hoggaamiye-dhaqameedyada qaarkood kaba warhaynin ama aanay odayaal beeleedna ahayn markii Boorama lagu qabtay shirkii lagu dhisay dawladda Somaliland ee 1993kii, iyadoo dhinaca kalena ay weftiga ka mid yihiin odayaal mar kasta oo olole siyaasadeed soo dhawyahay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah isku tusa kuwa aan laga maarmi karin, halka xubno ka mid ah weftiga odayaashuna ku kala aragti duwanyihiin qarannimada dalka, halka kuwa kalena laga yaabo inay u socdeen inay isbartaan Madaxweynaha ama dano kale ugu tagaan, waxana laga yaabaa inay ka mideysnaayeen uun sidii ay Madaxweynaha ugu tegi lahaayeen.
Ugu dambayntiina odayaashii reer Boorama weli caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayey ku suganyihiin wakhtiguna wuu isgurayaa, halka siyaasiyiintii halkaas joogtay ee ka soo jeedday gobolka ee kala dhex geli lahayd Madaxweynaha iyo odayaashuna ay ku fashilmeen inay qanciyaan odayaashoodii, haddiiba aanay qaarkood kula safnayn, waxana la isweydiin karaa halka sartu ka qudhuntay ee labada dhinac isku soo dhawaan la’yihiin, taas oo lagu macnayn karo, arrimo door ah oo ay ka mid yihiin wakhtiga odayaashu tageen Hargeysa waxay ku soo beegan xilli qarannimada Somaliland laga difaacayo Cali Khaliif Galaydh iyo kooxda Khaatumo loona baahnaa inay wakhti kale ka dhigtaan, iyadoo odayaasha reer Awdal oo ay ahayd inay Madaxweynaha u gudbiyaan qoraal caafimaad qaba oo Somalilandnimo ka muuqato, inay tiro intaa ka yar ku tegaan caasimadda, kuna aaminaan taladooda, in meesha laga saaro dareenada kicinaya dadweynaha gobolka, in siyaasadda iyo dhaqanka la kala saaro odayaasha dhaqankuna ku ekaadaan hawlaha loo doortay ee la xidhiidha dhaqanka, basle aanay iska dhigin kuwa iyagu dadweynaha gobolka kicin kara ama fadhiisin kara marka ay noqoto dhinaca siyaasadda oo lagu oggaa uun masuuliyiinta u fadhida goleyaasha qaranka, iyo inaanay odayaashu iska dhigin sidii odayaal dadweynaha reer Awdal ka xoreynaya beelo kale oo reer Somaliland ah. Waxayna sheekadu isbeddeli doontaa marka odayaasha reer Awdal ka soo laabtaan caasimadda iyagoo aan sidin jawaabtii ay ku ballanqaadeen inay ka keenayaan Madaxweyne Siillaanyo.
Faalladan Waxa Qorey:
Weriye Maxamed Cumar Sheekh
Weriyaha Wargeyska SAXAFI Ee Boorama