Muxuu Maayarkii Hore ee Laas-caanood Ku Tiraabay Markii Laga Soo Qabtay Dooxada Eerigo ee Aqal Soomaaliyeedyada Ka Dhisay?

0
26

HUBAAL Ka AKHRI: Tiraab Dhiillo Colaadeed Xambaarsan Oo Laga Soo Weriyey Duqii Laas-caannood Mr. Kayse Maxamuud Xaaji Xuseen (Tungub) Oo  Hadda Maxbuus Ku Ah Xabsiga Dhexe Ee Burco Oo Loo Soo Dhaadhiciyey”

Muxuu Maayarkii Hore ee Laas-caanood Ku Tiraabay Markii Laga Soo Qabtay Dooxada Eerigo ee Aqal Soomaaliyeedyada Ka Dhisay?

KAYSE-TUNGUBLaascaanood (Hubaal):-Ciidanka Qaranka Somaliland,ayaa mar labaad tallaabo adag ka qaaday kooxda Nabad-diidka ah ee uu hor joogaha u yahay dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh shalay ka dib markii ay isku uruursadeen dooxada loo yaqaanno Eerigo oo ay doonayey in ay halkaa ku qabsadaan wax ay ugu yeedheen caleemo saarka Madaxweynenimada dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh oo halkaa isagu ku doonayay in uu iskugu caleemo saaro wax loogu yeedhay Madaxweyneha Khaatumo State oo ay doonayeen in ay maamul gacan rimis ah kaga dhex samaystaan Somaliland gudaheeda laakiin Ciidanka Qaranka Somaliland ooh ore kooxda Galaydh uga saaray magaalada Saaxdheer,ayaa isla shalayna ka  kala eryay oo ka saaray dooxada Eerigo oo la sheegay  deegaanka Saaxdheer ka xigto gudaha dhanka Itoobiya.

Ciidanka Qaranka Somaliland,ayaa dooxada ay ka kala eryeen kooxda Cali Khaliif waxay ku soo qabteen Maayerkii hore ee Laascaanood Kayse Maxamuud Xaaji Xuseen(Tungub) oo h ore uga goostay Somaliland isla markaana ku biiray kooxda Cali Galaydh.

Maayerkii hore ee Laascaanood ee ay ciidanka Qaranku gacanta ku dhigeen,ayaa ahaa qaban qaabiyaha shirka lagu caleemo saarayay Cali Galaydh oo lagu qabanayay dooxada Eerigoo.

Maayerka la qabtay oo dooxada ku sugnaa ayaa marka la qabtay ku guda jiray qaban qaabada shirka oo uu xilligaa ku hawlanaa, dooxada oo ay ka dhiseen aqal Soomaaliyo tiro badan oo ay ugu talo galeen in  uu Cali Khaliif isku caleemo saaro ayaa dhamaantood la gubay isla markaana gabi ahaanba la baabiiyay.

Maayerkii hore ee Laascaanood oo goobta lagu qabtay ayay ciidanka Qaranku usoo dhaadhiciyeen xabsiga weyn ee magaalda Burco.

Maayerkii hore ee Laascaanood, ayaa markii ciidanka Qaranku qabteen waxaa uu sheegay in dooxa Eerig lagu qarash gareeyay ugu yaraan 20 kun oo Dollar isla markaana loogu talo galay in ay halkaa ka dhacdo xaflad caleemo saar oo loogu talo galay in lagu boqro Cali Khaliif Galaydh,waxaanu u tiiraabay. “Intaad dagaalamayseen in leeg ayaanu dagaalka wadaynaa” hadalka colaadda xambaarsan ee  uu ku tiiraabay Maayerkii hore ee Laascaanood, ayaa muujinaya in ay jiraan cid ka dambaysa abaabulka colaadda ay deegaanada ka wadaan kooxda nabad-diidka ah ee uu hor joogaha u yahay dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh.

HALKAN KA AKHRI: Warbixintan oo Faahfaahsan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here