HUBAAL TV: “Soomaalida Qurbo-jooga Ah Waa La Xantaa….. 65 Qolo Oo Mid Kastaa Afkiisa Iyo Diintiisa Leeyahay”-DAAWO VIDEO Dhamaystiran Oo Ku Suntan Reer Minneapolis Oo Aan U Kala Hadhin Soo Dhawaynta Madaxweyne Geelle

0
30

“Soomaalida Qurbo-jooga Ah Waa La Xantaa…..Shalay Waxaan La Sheekeysanayay Madaxweynaha South Sudan, Wuxu Ii Sheegay Inay Yihiin 65 Qolo Oo Mid Kastaa Afkiisa Iyo Diintiisa Leeyahay”

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

USA (Hubaal) ─ Xaflad lagu soo dhaweynayay madaxweynaha wadanka Jabuuti Cismaaciil Cumar Geelle ayaa xalay ka dhacday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, waxaana ka soo qeyb galay kumanaan ka mid ah labada jaaliyadood ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Gelle ayaa la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka wuxuuna kula dardaarmay inay muujiyaan wada jir iyo midnimo. “Qurbo-joogta waa la xantaa, hase ahaatee maadaama ay maanta Soomaaliya ugu nasiib wanaagsan tahay waxaa la idinka rabaa inaad midnimo yeelataan, waayo qaran iyo qabiil meel ma wada galaan” ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle.

Ismaaciil cumar geelle“Shalay waxaan la sheekeysanayay madaxweynaha South Sudan, wuxuuna ii sheegay inay yihiin 65 qolo oo mid kastaa afkiisa iyo diintiisa leeyahay, taasina waxay kuu muujineysaa in Illaahey  uu jecelyahay dadka Soomaaliyeed, waayo wuxuu ka dhigay dad hal qabiil ah oo hal af ku hadla” ayuu sii raaciyay Madaxweynuhu.

Wuxuu sheegay mudane Cismaaciil Cumar Gelle in dowladda iyo dadka Jabuuti aanay marnaba joojin doonin taageera ay la garab istaagan yihiin shacabka Soomaaliyeed. “Na weydiista wixii aad u baahan tihiin” ayuu yidhi madaxweynuhu. “Ciidankayaga waan kordhineynaa ilaa inta Alshabaab laga sifeynayo wadanka” ayuu Gelle ku tiraabay.

Mar uu la hadlayay Jaaliyadda Jabuuti ayuu yidhi Madaxweyne Geelle “Taageeradii dadka Soomaaliyeed ay na siiyeen lama hilmaami karo, sidaa daraadeed la garab gala dadaalka ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed”

C/raxmaan Ciise Kaahin oo ka mid ah Jaaliyadda Jabuuti ayaa Hiiraan Online u sheegay in sababta uu  madaxweyne Gelle uu Minneapolis u yimid ay tahay casuumaad uu ka helay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka, si ay uga mahadcelinayaan taageeradiisa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here