Xuska Maalinta Xusuusta Dadka Ku Waxyeeloobay Shilalka Gaadiidka Oo Hargeysa Lagu Qabtay

0
36

xuska-maalinta-xusuusta-dadka-ku-waxyeeloobay-shilalka-gaadiidka

Hargeysa (Hubaal)- Labaatanka Bisha November oo shalay ku beegnayd waxa dunida sannad walba laga xusaa xuska maalinta Xusuusta dadka ku waxyeeloobay shilalka gaadiidka taasi oo ah qaddiyad si weyn la isugu baraarijiyo iyada oo sannad walba dad badani ku dhintaan shilalka gaadiidka waxaana xuska maalintaasi shalay si weyn looga xusay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Munaasibaddan oo ka qabsoontay Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa waxa soo qaban qaabiyey shirkadda Caalamiga ah ee Caymiska ee TAKAFUL iyada oo ay kulankaasi ballaadhan ka soo qayb galeen Maamulka Sare ee shirkadda Takaaful Cumar Xaaji Xuseen Cumar Xaashi,  Afhayeenka Ciidamada Booliska Somaliland, saraakiil sarsare oo ka socotay ciidamada Nabad gelyada waddooyinka, Masuul sare oo ka socday Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland, odayaal iyo Aqoonyahano kale oo dhammaantood ka mid ah dadka daneeya arrimaha waddo marista iyo yaraynta dhibaatada shilalka gaadiidka.

Aqoonyahan Fu’aad Axmed Xuseen oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha wadida baabuurta iyo nabad gelyada waddooyinka, kuna takhasusay nidaamka shuruucda waddo marista oo kulankaasi hadalo ka soo jeediyey ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhiso guddidii heer qaran ee siyaasadda nabad gelyada waddooyinka waxaanu yidhi: “Dhibaatada shilalka gaadiidu waa dhibaato qaran oo aan cid kali ah ku koobnayn waxaana loo baahan yahay in dhinacyo badani iska kaashadaan. Taasi oo ay ugu horrayso in la helo guddidii heer qaran ee Nabad gelyada waddooyinka. Kadibna guddidaasi dejiso siyaasaddii Arrimaha nabad gelyada waddooyinka” sidaa waxa yidhi khabiir Fu’aad Axmed Xuseen.

Masuuliyiintii kulankaasi ka qayb galay waxa ay si weyn uga hadleen baahida loo qabo in gaadiidkeenna aynu caymis galinno maadaama aan maanta nasiib u yeelanay in shirkadda Caymiska ee TAKAFUL innoo joogto oo ay dalkeena ka hawl galayso taasi oo ah nasiib wanaagsan. Waxa kulankan lagu niqaashay dhibaatooyinka shilalka gaadiidku inna dhaxal siiyeen iyada oo wiig walba, bil walba iyo sannad walba kumannaan shilal ahi ka dhacaan dalkeena kuwaasi oo dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo aad u culus dadkeena iyo dalkeena soo gaadhsiiyey iyada oo in badani innagaga naafowday in badanina innaga dhimatay, hanta badanina ku baaba’day.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Somaliland Gaashaanle Dhexe Faysal Xiis Maxamed oo kulankaasi ka hadlay waxa uu sheegay in ciidamada Nabad gelyada waddooyinka iyo shirkadda TAKAAFUL wada shaqayn wanaagsani ka dhaxayso loona baahan yahay in dadkeenu gaadiidkooda caymiyaan isaga oo xaaladda shilalka ku tilmaamay dhibaato qaran oo u baahan in la iska kaashado, isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi: “Tusaale haddii aan soo qaato shilkii ugu dambeeyey ee aadka u xanuunka badnaa ee ka dhacay Kalabaydh dhawaan ee ay isku dhaceen baabuurkii Nohada ahaa iyo kii Land Cruiser ka ahaa waxaad la socotaan in dad badani innagaga dhinteen oo dhibaato weyni ka dhacday. Booliska Somaliland si wanaagsan ayay uga hawl galeen arrimahan oo Taliyuhu aadbuu ugu mahadsan yahay. Haddii dadkii shilkaasi ku waxyeeloobay caymis ku jiri lahaayeen caymiska ayay dadkoodii u iman lahaayeen.

Ugu dambayn kulankaasi qiimaha badnaa ee lagu lafa gurayay dhibaatada ka dhalata shilalka gaadiidka iyo Xusuusta dadka ku waxyeeloobay shilalka gaadiidka waxa soo af meeray Guddoomiyaha Shirkadda Caymiska ee TAKAFUL Mudane Cumar Xuseen Cumar-Xaashi oo ku dheeraaday xuska maalintan iyo sida adduunka looga xuso iyo guud ahaan dhibaatada dalkeena ka haysata shilalka gaadiidka iyo sida loogu baahan yahay in la isaga kaashado xalkii wax lagaga qaban lahaa, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa: “Sannadkan gudihiisa oo kaliya waxa shilal inagaga dhintay dad ka badan 165 qof iyada oo la sheegay in khasaaraha shilalkaasi ay innaga soo gaadheen khasaare maaliyadeed oo ka badan 20 Milyan oo Dollar. Shirkaddayada TAKAFUL waa shirkad aan kaliya doonayn in ay faa’iido badan samayso balse waxa aannu diyaar u nahay wax kasta oo aannu umaddayada kala qaban karno dhibaatooyinkan ragaadiyey ee ay ka mid tahay shilalka gaadiidku. Xukuumadda waxa aannu ka codsanaynaa in ay si degdeg ah u bilawdo xaruntii gaadiidka lagu hubinayay. Si hubintii gaadiidka loo soo celiyo”.

Shirkadda TAKAFUL ayaa tan iyo intii ay dalka ka hawl gashay waxa dabooshay baahidii caymiska dhinacyo badan oo ay ka yihiin Caymiska Gaadiidka iyo Caafimaadka dadka iyada oo dadku si weyn isha ugu hayo baahidii caymis ee dalka taallay oo ay shirkaddani wax badan ka qabanayso balse loo baahan yahay in dadku ku baraarugsanaadaan qiimaha caymiska oo ay caymiyaan gaadiidooda iyo caafimaadkoodaba.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here