“Xaggeen U Qaataa Kaadhka Cidda Ii Imanaysa Haddii Aanan Aqoonin”- Xuseen Axmed Caydiid
Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland Md Xuseen Axmed Caydiid, ayaa si weyn uga calaacalay hannaanka loo wado Shirweynaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxana tilmaamay inuu madaxweynaha ku eedeeyey inuu dhinaca saaray Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna Musharraxa Madaxweynenimo ee Xisbigaas Md Muuse Biixi Cabdi. Xuseen oo ka qayb qaatay Dood khilaafka Kulmiye diirrada lagu saaray oo Idaacadda VOA-du maalintii shalay qabatay, ayaa eex iyo tallaabo dhexdhexaadnimo ka baxsan ku tilmaamay inuu madaxweynuhu Xafiiska guud ee Xisbiga Kulmiye Booqdo, isla-markaana kaadhka soo qaato, “Xisbigii oo kala fadhiya oo qolo tidhi kaadhadhkii soo doonta oo is diiwaangeliya oo nin musharrax madaxweyne iyo ku-xigeen ahi ay maamulanayaan laba xubnood oo hoggaanka ahi la shaqaynayaan kuwii kalena ka maqan yihiin ayuu madaxweynuhu dhinacii uu awal uun la safnaa mooyaane dhinacii kale taageero oo dhawaan qaato inuu Muuse dhiso, wasiirradii qaarkoodna yidhaahdo ila dhisa, khilaafkana sababtiisa ayaa halkaas lagu kala tegay wasiirradiina waxa u muuqatay inaanay madaxweynaha Golaha kusii wada jiri karaynin. Nin uun madaxweynaha amarkiisa qaadanaya mooyaane nin kale aanu ku jiri karaynin.” Ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid. Xuseen Axmed Caydiid, waxa uu sheegay inay ahayd inuu madaxweynuhu ka joogsado tegitaanka Xarunta Xisbiga, maadaama sida uu sheegay xisbigu laba garab u kala fadhiyaan, waxana uu yidhi,“waxa uurka ku jira ilaahay uun baa akhriyi kara, waxa afka ka yimaaddana ficilkaa lagu raacaa, markaa ficilkii shalay madaxweynuhu ku tegay xarunta iyadoo xisbigii kala fadhiyo oo qolo hawshii iska wadato qolona ka maqan tahay oo loo diiday in muuse madaxweynaha shidhka ku qaatay ee uu meesha geeyey ee madaxweynuhu shaambadeeyey in xisbiga hawlihiisu saani u socdaan ee uu iska kusoo biiriyey awooddii ciidan iyo tii dhaqaale ma dhex baa mise dhinac buu raacay.” Mar uu Wasiirka hore ka jawaabayey su’aal nuxurkeedu ahaa caddaynta uu u hayo inuu madaxweynuhu dhinac raacay, ayuu jawaabta iskaga riixay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan,“Madaxweynuhu xalay buu lahaa dhex baan ahay lahaa, dhinacyagiina kaadhadh ma qaadan, madaxweynuhuna waakaas kaadhkii la qaatay dhinaca kale, madaxweynaha afkiisay kasoo baxday inaanu dhex ahayn kuwii goob joogga ahaa baa joogee Xirsi weydii dee.” Ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid. Waxa uu sheegay in Gebi ahaanba Xisbigii Kulmiye Burburay, isagoo sababtana ku sheegay inay Baaqdeen shirar sharciyan ay ahayd in la qabto, waxana uu yidhi,“waxan maanta qiyaasi karaa inaanu xisbi Kulmiye la yidhaahdaa jirin, waayo xisbiga Kulmiye la yidhaahdaa Hay’ado ayuu ka kooban yahay oo shirweyne ayaa ugu sarreeya shantii sano ayuu mar qabsoomaa gole dhexe ayaa ku xiga, sanadkii buu ugu yaraan hal mar qabsoomaa, Golihii dhexena waa Hay’ad baaba’san intii shirweynaha laga soo baxayna Guddi fulineed oo maalin fadhiistay lama hayo, Hawlaha shirkuna waa Go’aamada Joogtada ah ee k u iman lahaa Guddidfa Fulinta, horto Xisbigii sidaas baanu ku jirin.” Waxa Xuseen oo ku hadlayey Fikirka Garabka ay isku dhinaca yihiin uu sheegay inaanay marnaba qaadan doonin Kaadhadhka lagu geli doono shirka Golaha dhexe ee Kulmiye, “Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenkii koowaad, Xog-hayihii Xisbiga iyo Jaamac oo Xil aan jirin sitaa waa inta Xisbigii sheegatay. Maxayse ku diideen in Waabeeye iyo Cabdiraxmaan Talyanle oo dhinaca kale ahi inay la hubiyaan shirka sida loo wado. Taasaana naga hor joogta inaanaan kaadh qaadan, Xaggeen u qaataa Kaadhka yaa meesha iigu imanaya ma musharrax baa halkaas Soo aaminaya, Kaadhkana la iska qaadan maayo cidda ii imanaysa haddii aanan aqoonin.” Ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid. Waxa uu sheegay in Madaxda Xisbiga Kulmiye dibad-joogga ku aha aka dakhli badnaayeen Kuwa iscasilay, isagoo meesha ka saaray inuu Hanti urursaday inuu xilka hayey, waxana uu yidhi, “Anigu gaadhi kama lihi, guri kama lihi, halkaasaanan dhigay.qolada meesha lagaga tegayna iyagaa meesha nooga dheef badnaa, intay qaadanayeenna maanu qaadanaynin.”