Xukuumadda Somaliland Oo Markii U Horeysay Ka Hadashay Ciidamo La Sheegay Inay U Dirayso Dalka Sucuudiga

0
40

Wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda Arimaha Debada Md Keyse oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Xukuumada Somaliland aanay lahayn wax qorshe ah oo ay dalka sucuudiga ugu dirayso ciidamo ka qayb qaata colaadda dalka yaman

Boqortooyada Sucuudiga ayaa mudooyinkii dambe diyaarsanaysay ciidamo duulaan dhanka dhulka ah ku qaada kooxda xuutiyiinta ee wadanka Yaman oo ay muddo dhowr bilood ah dusha ka duqaynayeen xulafada millateri ee wadamada khaliijka oo ay sucuudigu horkacayaan

Hadalka wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha debadu waxa uu ku soo beegmay iyadoo mucaaradka qaarkood warbaahinta ka sheegeen in gudaha Somaliland laga qorayo ciidamo ka soo dagaalama Dalka yaman, arintaa oo uu Md Keyse ku sheegay mid aanay waxba ka jirin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here