Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Socdaalkii Cali Khaliif Ku Soo Gaadhey Magaalada Hargeysa

0
43

Hargeysa (Hubaal) Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Sodaalkii dhulka ahaa ee hogaamiyaha maamulka Khaatumo Prof-Cali Khaliif Galaydh ku soo gaadhey Saaka Magaalada Hargeysa halkaasi oo uu isla saakaba ka raacay diyaarad u socotay dalka jabuuti oo qorshuhu ahaa in uu kaga qayb galo wadahadalada u dhaxeeya Maamulkiisa Khaatumo iyo Somaliland.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo Hargeysa kula hadlay Saxaafadu waxa u sheegay in aanay dhib ku jirin imaatinka Siyaasiga balse ay ujeedadu tahay in uu yahay muwaadin Somaliland ah oo meelkasta oo dalka ah tagi karo balse qaba fikir ka duwan ka ay Somaliland ku dhisan tahay sidaasi darteedna si arrimahaasi loogala hadlo uu u socday in uu ka dhoofo madaarka Magaalada Hargeysa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here