Wasiir Yaasiin Maxamed Xiir Faratoon Oo Amuurtan U Xaqiijiyey Warbaahinta
“ Waad Ogtihiinnoo Deriskeena Meello Badan Baa Saldhigyo Ciidan Innaga Xigaan, Diyaarado Badanina Mararka Qaar Wey Ku Xad Gudbaan Xuduudaha, Markaa Warkaasi Wax Baa Ka Jira Laakiin Wax Aynu Hubno Maaha Ee…”
Hargeysa (Hubaal) -Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay Diyaarado Dagaal oo Duqaymo ka geystay maalmihii u dambeeyey Toddobaadkii dhammaaday deegaanno ka tirsan Oodweyne iyo Saylac. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Ciir (Faratoon), waxa uu sheegay inaanay illaa hadda jirin cid wax ku noqotay Duqaymaha Diyaaradahaasi geysteen, hase-yeeshee, ay weli baadhitaanno dheeraad ah wadaan sababta ay u fuliyeen Duqaymahaas, waxaanu sheegay inay Diyaaradahaas dagaal si khaldan ugu soo xad-gudbeen Xuduudka Somaliland. Hadalka Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin-Faratoon kaga jawaabay Su’aalo Sabtidii shalay ay warbaahintu ka weydiisay duqaymahaas ayaa waxaa uu kaga jawaabay “wey jirtaa [diyaaradahasi] oo habeen dhexdaas ah baa meel keyn ahoo cidlo ah ay diyaarado wax ku rideen, wax aad loo hubana maaha”. Sidas ayuu yidhi Wasiir faratoon, waxaanu intaa ku daray “meeshaas cidi waxba kuma noqon, cidna waxba ma gaadhin immikana baadhis baa lagu jiraa”. Intaas ka dib ayaa Weriye Khadar Macalin Deeq oo kamid ahaa suxufiyiintii wasiirka kula kulmay barxadda hore ee baarlamaanka ee suaalaha weydiinayay waxaa uu su’aalaha bal iyadana warka sheegaya in diyaarado kuwan oo kale ahi soo cago dhigteen gobolka Selel, waxaana Mr. Faratoon uu yidhi “ Waad ogtihiinnoo meello badan oo deriskeena ah baa saldhigyo ciidan oo diyaarado badani kasoo kacaan innaga xiga, markaa diyaarado badan baa mararka qaar ku xad gudba xuduudaha, markaa warkaasi wax baa ka jira in ay diyaarado soo galeen Saylac laakiin wax aynu hubno oo aynu gacanta ku hayno maaha ee baadhitaano ayaa socda aanu ku baadhayno”. Ayuu wasiirku ku gaabsaday. Hadalka Wasiirka, ayaa ka danbeeyay kadib markii dhowaan Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan waxaba kama jiraan ka dhigay in ay diyaarado aan la aqoonsan hawlgalo ka fuliyeen deegaamada Oodweyne iyo Saylac ee gudaha Somaliland