“Xogta [Wiilashan] Waxba Baadhbaadhi Mayno Oo Arrintooda Cid Baa Haysa Laakiin Hawshooda Waa Lagu Jiraa Oo Waa Lala Socdaa”
“Ciddii Arrintaas [Dilka] Sumad Ku Yeelata Iyo Cid Alla Ciddii Ay Gashaba Waxaan Mas’uuliyiinta Deegaanka Farayaa In Aan Loo Naxariisan Ee Tallaabo Cad Laga Qaado”
Laascanod (Hubaal):- Xukuumadda Somaliland ayaa amar ku bixisay in aan loo habran cid kasta oo summad ku yeellata dil habeen hore ka dhacay magaalo madaxda gobolka Laascaanood kaasi oo ay Dabley Hubaysan oo Aan Haybtooda la garanayn ku Toogtay Gudaha Magaalada laascaanood Nin ganacsade ah oo xilligaa kasoo baxay Salaadii Cishaayi. Maxamed Jaamac oo ka mid ah ehelada Marxuunka ayaa sheegay in uu geeriyoodey Marxuumku balse waa uu noo xaqiijin kari waayey sida ay wax u dheceen. Marxuumka oo magaciisu ahaa Maxammed Cabdi Timir ayaa la sheegay in uu geeriyooday wax yarkadib markii ay dablaydu tacshiiradda ku furtay. Dilka Marxuumkan oo dadweynaha magaalladu ka gadoodeen ayaa hawl gal ay Ciidamada Amnigu ka bilaabeenmagaallada waxaa ay baadhitaano ka sameeyeen barkullanada magaallada iyaga oo dejiyey dadweynaha ka gadooday dilkiisa. Geesta kale Xukuumadda Somaliland oo iyadu shalay ka hadashay dilka ninkan ganacsadaha ahaa oo la sheegay in uu magaallada Laascaannood magac iyo maamuus kulahaa waxaa ay tacsi u dirtay ehelladii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku waxaanay nidar ku martay in aanay ka laaban doonin baadhitaanka ay ciidammadu ku baadi goobayaan cidii falkaas geysatay. “Waxaan tacsi halkan uga dirayaa Maxamed Cabdi Timir oo xalay [habeen hore] ay gacan ka xaq darani ku dishay magaallada Laascaannood, waxaa leeyahay Alla ha u naxariisto,qof kasta oo nooli mar buu geerida dhadhaminayaa,waxaan ilaahay uga baryayaa in uu u naxariisto ehelkii iyo ubadkisii iyo kulligayaba Cawil khayr qaba in halkiisii uu noogu badalo”. Sidaas waxaa yidhi wasiirka wasaaradda biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koorre oo dilka marxuumkan ka hadlay shalay mar uu xafiiskiisa xog warran kooban ku siiyey Telefishanka Bulsho. Wasiirku waxaa uu intaa ku daray oo uu awaamiir faray masuuliyiinta gobolka Sool gaar ahaanna magaalo madaxdiisa Laascaannood, waxaana uu yidhi “waxaan masuuliyiinta deegaankaas iyo dadka waxgaradka ahba Farayaa cid alla ciddii ay arrintaasi [dilka] ku cadaato iyo cidii sumad ku yeelata iyo ciddii ay gashaba inaan loo naxariisan ee tallaabo cad laga qaado, annaguna sabab kasta iyo waqti kasta iyo meel kasta ooay tahayba diyaar baanu unahay in wixii awoodayada ah ee arrintaas aanu ku fududayn karno inaanu qabano”. Sidaas ayuu yidhi Wasiir Koorre.
Geesta kale Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay laba wiil oo dhalinyaro reer somaliland ah oo lagu afduubay deegaanka maamulka Puntland Eedalka Soomaaliya, xilli ay magaallada Garoowe u tegeen dhalinyaradani inay baasaaboorro Soomaali ah ka soo qaataanhalkaasi. Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo shalay arrintan wax laga weydiiyey dhalinyaradan reer Somaliland oo inmuddo ahba afduub loogu haystay maamul goboleedka Puntland ayaa rejo kamuujisay xaallada labadaas wiil oo ay sheegtay in waanwaantoodu socoto. Wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oos halay uu weriye Bedri Koosaar Maxamuud oo telefishanka Eryal ka tirsani wax ka weydiiyey arrintan ayaa sheegay in dhawaan la soo deyn doono sida ay rejaynayaan “waxba dee xogta [wiilashan] baadhbaadhi mayno oo xogtooda iyo arrintooda cid baa haysa laakiin ubadka halkaa lagu xidhay hawshooda waa lagu jiraa oo waa lala socdaa,sida ugu dhakhsaha badanna waala soodeyn doonaa”. Sidaas ayuu wasiir Maxamed Muuse Diiriye ku soo koobay arrinta wiilashan iyo xaalladoodu halka ay illaa haatan marayso.