Xukuumadda Oo Maanta Dil Qisaas Ah Ku Fulisay Lix Ruux Oo Hore Dilal U Gaystay + Akhri Magacyadooda

0
33

Mandheera(Hubaal)-Xukumadda Somaliland ayaa maanta dishay lix qof kadib markii hore Maxakamadduhu ugu xukumeen dil. Qisaasta oo ka dhacday Degmada Mandheera ee Bariga Hargeysa waxaa goob joog ka ahaa Saddexda Ciidan Qaran oo Asluubtu hogaaminayso iyo saraakiil Wasaaradda Caddaaladda ka tirsan.

newsCabdi Cabdillaahi, oo ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda iyo garsoorka Somaliland, ayaa sheegay in dadkani hore u gaysteen dil, islamarkaana Maxakamadduhu ku xukumeen dilkaasi, sidoo kalena Ehelada dadka la dilay iyo kuwa dilka gaystay isla afgarteen in la dilo.

Masuulkan oo sheegaya Magacyada dadka la dilay ayaa yidhi:-

  1. Maxamed Daa’uud Axmed,ina Hibo Cilmi, oo 25 jir ahaa iyo Cabdiwali Cilmi Muuse, Ina Caasha Maxamed, oo 25 jir ahaa oo si wada jir ah Boorama ugu dilay Marxuum Mukhtaar Cismaan Warsame, taariikhdu markay ahayd 30-03-2008-dii.
  2. Iliyaas Cabdillaahi Aadan, ina Waris Cige, 4o jir ahaa oo Magaalada Hargeysa ku dilay, Marxuumiinta kala ah Aadan Cabdi Mursal iyo Muuna Axmed Maxamed, taariikhdu markay ahayd, 26-07-2003-dii;
  3. Maxamed Axmed Xirsi, Ina Farxiya Cali, 24 jir ahaa oo Magaalada Burco ku dilay Marxuumad Farxiya Daahir Cabdi oo Xaaskiisa ahayd, taariikhdu markay ahayd 10-05-2011-kii;
  4. Ex Dable Askari Boolis ah Maxamed Cabdillaahi Cabdi Guuleed, Ina Mulaaxo Cabdi, 28 jir ahaa, oo tuulada Qoton dabo ku dilay Marxuum xuseen Maxamuud Cawaale(Gacmo-dheere), maalintii 22-03-2015-ka;
  5. Ex Dableh, Askari Ciidanka Qaranka ah Cabdirashiid Xasan Cumar, ina Xaawo Muxumed Nuur, 25 jir ahaa, Magaalada Hargeysa ku dilay Marxuum Cabdifataax Maxamed Soodaani 07-08-2009;

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here