Xukuumadda oo ka Hadashay Xaaladda Sarkaalka Ka Dibed Galoobay Ciidammada Qaranka ee CAARRE

0
24

“Annagu Waxa Aanu Taagannahay Halkii Ugu Dembeysay Ee Aanu Xal Waara Oo Hawshaasi Kusoo Afjaranto Ku Gaadhi Lahayn”

Hargeysa (Hubaal):- Xukuumadda Somaliland, ayaa Sheegtay in xal iyo xoog hadba kii laga maarmi waayo ay ku soo afjari doonto arrinta Taliye Siciid Cawil Caarre oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidammada Millateriga Somaliland, balse dhawaan ka goostay, ka dib markii uu sheegay inuu saluugay sida Xukuumaddu uga gaabisay dagaal soo noqnoqday oo u dhexeeyey Beelo Walaalo ah oo wada dega Ceel-afweyn oo ka tirsan gobolka Sanaag, isaga oo hadda ku sugan Puntland. Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Yuusuf (Xawar), ayaa sheegay inuu jiro wadahadal lala sameeyey Caarre oo uu ku eedeeyey inuu gacan Hub iyo mid Lacageedba ka helay Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.  Wasiirka gaashaandhigga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf(XAWAR)oo shalay la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay soo Af-jarida xaalada taliye Col Siciid Cawil Jaamac(Caarre) oo mudooyinkii u danbeeyey ciidanka qaranka ka ahaa dibad wareeg kadib markii uu galay duurka deegaanada gobolka Sanaag, warar dheeraad ah oo ka soo baxaya ayaa sheegay in uu ku sugan yahay Magaalada Higle oo ah duleedka magaalada Qardho ee xarunta maamulka Puntland kaasi oo sheegay sida waraysi uu bixiyey in uu halkaasi ka soo abaabulayo maleeshiyo ka dhan ah Somaliland. Wasiirka Gaashaandhiga JSL Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) waxa hadaladisii ka mid ahaa “Wada hadal waa jiraa dabcan waa lala hadlaa oo xidhayaashiisa ayaa la hadla iyo odayaashiisa Maqaam kasta ha gaadh-siis naadaane, Saraakiisha iyo taliska ciidankaa la hadlay hadana waaxaad moodaa in aanu waxaas oo dhan dheg u dhigayn oo aanu wax ku qaadan anaguna hadda waxaanu taaganahay halkii ugu danbaysay oo aanu xal waara oo ay hawshaasi ku so o af-jarmi lahayd aanu ka gaadhno’’Ayuu yidhi Wasiir Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar). Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Ama Nabad galiyo aanu ku dhamayno oo wali Jaanis furan ah, oo dad wax garad ah iyo taliska iyo wasaaraduba aanu eegno ilaa heer Madaxwayne hadduu taas ku caasiyo oo uu xal u arki waayana in ka qaran ahaan khasab nagu tahay in sida laga fursan waayo aanu ku so oaf-jarno’’Ayuu Yidhi Wasiir Eng Ciise Axmed yuusuf(Xawar).

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here