Dubai (Hubaal) – Xafiiska Ganacsiga ee Somaliland ay ku Leedahay Imaaraadka Carabta ayaa war Qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu ugu digay Shacabka Somaliland ee ku nool Dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Waxa uu xafiisku ku war geliyay shacabka Somaliland in isbedelo dhinaca socdaalka ah oo ay dawladda Imaaraadka carabtu Samaynaysaa uu sababi karo in ay carqaladi soo gaadho Somaliland dadkeeda ku nool UAE. Isbedeladan oo salka ku haya ka dib markii dawladda Imaaraadka Carabtu ay ogolaatay in ay fiise saarto baasaaboorka Somaliland, waxaana warkaas Qoraalka ahi uu u dhignaa sidan “Xafiiska Somaliland ee UAE waxa uu ku wargalinayaa muwaadiniinta Somaliland ee dalkan imaaradka carabta ku dhaqan in wasaarada Arrimaha dibadda ee UAE ay samaynayso isbedel saameyn ku yeelan kara qaar ka mid aha dadka reer Somaliland ee ku dhaqan UAE. Sidaa daraadeed waxay hay’addaha UAE iyo Somaliland ee arrimahani khuseeyaan ka wada shaqaynayaan sidii aanay muwaadiniintasi isbedelkaasi aanu dhib uga soo gaadhin. Sida aynu la wada socono dowladda Imaaraadka Carabta waxay ogolaatay in dalkeeda Lagu yimaado baasaaboorka Somaliland loona fiiseeyo.
Guriga WARAR UGU XIISAHA BADAN Xukuumadda Oo Ka Hadashay Isbedel Ay UAE ku Samaynayso Siyaasaddeeda Arrimaha Dibedda...